Doorashada Ma Lagu Karaa Nidaamka Hubinta Bu'da Isha Qofka ?

Wednesday June 26, 2024 - 08:32:37
Hadhwanaag
in doorashadu dib u dhacdo oo la isku waaraqo in nidaamkani la hirgaliyo.


No description available.



???????????????????? ???????????????????? ???????????????????? ???????????????????????????? ???????? ???????? ???????????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????? ?

( Biometric voter registration & Voter registration )


Barigii hore waxaynu diwaangalinta codbixiyaha ku gali jirnay qofka oo xogtiisa ladiwaangaliyo ( demographic data ) sida magaca , da'da , magaca hooyada , goobta dhalashada, taariikhda dhalashada iwm.


Haddana waxaynu soo kordhinay nidaamka casriga ah ee loo yaqaano ( biometric system ) oo xogta qofka xubnihiisa la galiyo sida , faraha , gacmaha , dhagaha & indhaha , waxaana uu muhiim u yahay dawlada & hay'adaha kale ee xogta qofka u baahan sida gudiga doorashooyinka, laanta socdaalka , laanta dambi baadhista , xafiiska hawlgabka qaranka , hay'ada shaqaalaha , ciidamada iwm.


Marka hadaba xaga doorashooyinka loo adeegsanayo waxa jamhuuriyada Somaliland lagu tijaabiyey habkii ugu dambeeyay oo ahaa in la diwaangaliyo bu'ada isha qofka ( iris biometric voter registration) oo aduunka sida aan xogaha ku helay aynu aheyn wadamadii bilaabay qaabkani isha.


Waxaynu ku galnay diwaangalintii lagu qaaday nidaamkaasi doorashooyinkii madaxtooyada 2017 iyo doorashadii isku sidkanayd ee wakiilada iyo deegaanka 2021, laakiin goobaha cod bixinta ma oolin qalabka lagu hubinayo bu'da isha ee xogta kale ee goobta taalla iyo sawirka qofka iyo kaadhka uu sito marka la isku hubiyo ayuu qofku codkiisa dhiibanayey.


???????????????????????????????????????? ???????????????????????? ???????????????? ???????????????????? ???????????????????????????? ????????'???????? ???????????????? ?

Sanadkii 2022 dawlada Taiwan ayaa inagu caawisay qalab lagu hubinayo bu'da isha , waxaana si daah furan loogu soo bandhigay Grand Haadi Hotel komishanka doorashooyinka & axsaabta qarankuba goob joog bay u ahaayeen.


Doorashada soo socota marka aynu eegno qodobadan hoose waxa aan u arkaa in aan lagu gali karayn sababahan dartood ;


1- Tirada dadka la diwaangaliyey oo aad u badan waa 1,227,048 kun qof , xiliga la codeynayaana waa 6:00 am ilaa 6:00pm maalin kali ah.


2- Maadaama aanu dalkeenu wada lahayn nal iyo tamar kale oo la adeegsado goobaha cod bixintana tiradoodu badan tahay sida komishanku sheegeen 1,236 goobood oo badankooga laba loo kala jabiyo goobaha codkoogu kun ( 1000 qof ) ka badan yahay waxa isweydiin leh sida qalab loogu wada heli karo.


3- Dalkeena miyi iyo magaaloba 95% maaha mid saamaxaya in indhaha qofku mudo hal sano ah isku mid ahaadaan oo cimilada iyo deegaanka aynu ku noolahay ayaa badelaya , waxaynu ognahay in xataa faruhu masaxmaan , markaa suuragal maaha in hubinta isha doorasho lagu galaa.


4- Qorshaha komishanka doorashooyinka qaranka hadii aanay hore ugu jirin sidoo kale waxanina yihiin wax cusub doorashada aynu galeynaana tahay doorasho xasaasi ah wuxuun bay keenaysaa laba mid uun ;


b) in doorashadu dib u dhacdo oo la isku waaraqo in nidaamkani la hirgaliyo.

t) in la iska daayo oo sidii hore lagu galo doorashaduna xiligeedii inoogu dhacdo.


Intaa waxa ii raaca wadamada ku galay nidaamkani waxaa ka mid ah Albania, krygystan oo labadaba uu cilad keenay goobo badanina u xanibmeen waliba waxaa laga yaabaa in aanay iyagu qaadan bu'da isha ee noocyada kale uu ahaa doorashadoodu , wadamada nidaamkani la rajeynayey sanadkani in lagu galo gabigooguba waa 11 dal oo noocyada kala duwan ee Biometric system ka ah oo Kenya ka mid tahay.


Aan soo ururiyo xalayto madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland waxa uu ka dhawaajiyey in doorashada lagu galayo nidaamka ( biometric voter verification ) oo bu'da isha ah ( Iris ) wuxuu hadalkaasi u muuqdaa midi midi ku taagtii soo jirtay iyo xafiiltankii siyaasadeed ee aynu u baahneyn in la dejiyo oo doorashada miyir qab lagu galo.


Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...