Muxuu Yahay Kulanka Muuse Biixi La Qaatay Komishanka Doorashooyinka?

Wednesday July 03, 2024 - 20:32:07
Hadhwanaag
"Xogta ataa intaasi ku daraysa in kulankan ay uwada dhamaayeen todobada xubnood…"




Hargaysa (HWN) Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay kulan la qaatay xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland, waxaana Muuse Biixi ku wehelinayay kulankan wasiiro kamid ah xukuumadiisa.

 

Kulankan oo qaatay saacado badan ayay labada dhinac kaga wada hadleen  sida xoguhu sheegayaan   saddex arimood oo kala ah dhaqaalaha Kominshanka weli kaga hadhsan dhanka xukuumada, arinta Biometric-ga iyo hadal dhawaan ka soo yeedhay madaxweyne Biixi oo ku saabsanaa  Biometric-ga.

 

Dhamaan Arimahan madaxweynaha iyo Kominshanku waxay ka gaadheen isfaham Buuxa .

 

Xogta ataa intaasi ku daraysa in kulankan ay uwada dhamaayeen todobada xubnood ee komishanka doorashooyinku.

 

Isku soo wada duuboo kulankan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan maraykanku sheegay in uu jiro qorshe ladoonayo in dib loogu dhigo doorashada Somaliland oo dhawr jeer oo hore dib udhac ku yimid.

     
Loading...