Ujeedada Kulan Wasiir Maxamed Kaahin La Qaatay Suldaanka Guud Ee Habarjeclo

Saturday July 06, 2024 - 20:56:58
Hadhwanaag
"Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL"



Hargaysa (HWN) Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo uu horkacayo Wasiir Maxamed Kaahin ayaa kulan la qaatay Suldaanka guud ee beelaha Habarjeclo,sida qoraalkan hoose ay ku sheegtay wasaarada arimaha Gudaha Somaliland.

 

"Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Horuumarinta Caafimaad Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Salebaan Warsame Guuleed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tiknoolajiyada iyo Isgaadhsiinta ayaa Booqasho sagooti ah caawa ugu tegey Suldaanka Guud Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse.

 

Suldaanka ayaa maalinta beri ah xaalad Caafimaad ugu bixi doona Dalka isu-taga Imaaraadka Carabta, iyadoo Wasiiraduna sii sagootiyeen Suldaanka una sii duceeyeen in Alle SWT soo nabad celiyo isaga oo Caafimaad qaba .

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ay wasaarada arimaha guduhu baahisay.

     
Loading...