Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kulan La Qaatay Taliyaha Hawl-galadda Madaniga ah ee Midawga Yurub.

Tuesday July 16, 2024 - 09:31:01
hadhwanaag
Dhinaca kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii xooga..



Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo hogaanka tabbabarka Ciidanka Booliska SOMALILAND ayaa kulan kula qaatay taliska guud Ciidanka Booliska Steven Tomat, taliyaha hawlgalada madaniga ah ee Midawga Yurub oo ay weheliyaan saraakiil sare oo Ka mida ah xafiiska hawlgalada tababarada ee Midawga Yurub ( EUCAP).


 

Kulankan oo daraana xoojinta wada shaqaynta Hay’addaha Aminiga iyo EUCAP waxa kulanka goob joog ahaa madaxa xidhiidhka Hay’addaha ee Ciidanka Booliska SOMALILAND.


 

Dhinaca kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii xooga loo saari lahaa adkanta nabadgelyadda mandaqa iyo guud ahaan dalka qaybihiisa kala duwan, waxaana wax la iska waydiiyay kor u qaadista tayada ciidanka iyo kordhinta aqoonta tababarada ay helaan.


 

EUCAP ayaa inta badan taageero ka gaysata hawlaha amniga iyo kor-u-qaadista tababarada ciidanka, waxaanay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin Hay’adaha ku shaqada leh ilaalinta amniga iyo xoojinta nabadgelyadda.


 

Gebo’gabadii kulankan ayaa ku soo dhammaaday jawi degan iyo iyada oo la isla gartay in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa adkaynta nabadgelyadda iyo xasiloonida gobolka, waxa kale oo laga wada hadlay sidii loo adkan lahaa tababarada ay helaan ciidanka Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayadood.

     
Loading...