Wasaaradda Maaliyadda iyo Wakiiladda oo kulan ka yeeshay Diyaarinta Miisaaniyadda 2025

Saturday August 24, 2024 - 08:52:59
hadhwanaagnews
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa intuu kulanku ,,,,



Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa gudoomiyey kulan ay la yeesheen Guddi hoosaadka dhaqaalaha golaha Wakkiiladda oo la xidhiidha diyaarinta miisaaniyadda 2025.


 

Kulan Wasiir Dr. Sacad iyo masuuliyiinta Maaliyaddu dhemaray Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Miisaaniyadda ee Golaha Wakiilada ayaa la xidhiidhay isdhaafsiga talooyin la xidhiidha diyaarinta miisaaniyadda 2025 iyo mudnaanteeda.


 

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa intuu kulanku socday ay Gudi Hoosaadka xog ka siiyeen guud ahaan halka ay marayso diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda ee kal-danbe {2025}, muuqaalka guud ee uu yeelan doono dhaqaaluhu guud ahaan 3 sano ee soo socda oo lasii odorosay.


 

Kulanka ayaa labada dhinac isku dhaafsadeen talaabooyinka cusub ee maaliyadeed ee ku jiri doona miisaaniyadda 2025-ka iyo meelaha mudnaanta la siin doono iyadoo la raacayo Qorshaha saddexaad ee Horumarinta Qaranka ee NDPIII.

     
Loading...