Muuse Biixi Oo Kulan Degdeg Ah Iskugu Yeedhay Xisbiyada Somaliland.

Friday August 30, 2024 - 07:32:56
Hadhwanaag
"Warkan ayaa ku soo beegmaya xili shaqaaqo colaadeed ka taagantahay …"




Hargaysa (HWN) Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Xisbiyada Mucaaridka ugu baaqay in layskugu yimaado kulan degdeg ah oo lagaga tashanayo doorashooyinka iyo difaaca dalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

 

"Iyadoo laga duulayo midnimada iyo wada-jirka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, golaha xukuumaddu waxa uu go’aamiyey in xisbiyada qaranka iyo ururadu ay kulan isugu yimaadaan si ay uga wada tashadaan difaaca dalka iyo doorashooyinka foodda inagu soo haya, kulankaas oo uu marti-gelin doono gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna wasiirka arrimaha Gudaha” ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Dhankooda wala kamay hadal xisbiyada siyaasada Somaliland inay baaqan ajiibeen iyo inkale.

 

 

Warkan ayaa ku soo beegmaya xili shaqaaqo colaadeed ka taagantahay Gobolka Sanaag, taasi oo uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawacba.

     
Loading...