Difaaca uu Muuse Biixi sheegaa waa mid noocee ah? Dadka uu la hadlaa se ma dad aan damiir lahayn baa?

Sunday September 08, 2024 - 12:22:56
hadhwanaagtv
Waa masuulka Ciidamadii Qaranka uu uu Taliyaha Guud..
May be an image of 2 people

Madaxweyne Muuse Biixi, oo lixdan maalmood uga hadhsan yihiin labadii sanno ee sharci darada ahaa ee uu kordhisatay oo dalkan Masiib ku noqday sidee ayuu u odhan karaa difaac igu doorta, iyada oo la ogyahay in waxan oo dhami dhaceen.

1- In dawladnimadii xadka Somalia kaabiga ku haysay uu u u soo raray Oog, oo ay siyaasad xumadiisu keentay in dawladnimadii Somaliland soo laabtay in ku dhow 200 KM (From Turkaqa to Oog)
2. Nin leh igu doorata difaac, waa Madaxweynaha boqolaal goobood oo shalay laga codaynayey maanta aan laga odaynayn.

3. Waa masuulka Ciidamadii Qaranka uu uu Taliyaha Guud u ahaa boqolaal ka mid ah oo raggii ugu muhiimsanaa ay Laascaanood ku xidhan yihiin, waa maxay difaaca uu sheegayo, dadka ma in ay waalan yihiin ayuu moodayaa.

4. Waa masuulka Ciidankii qaranka ee dhisnaa kala daayiye ee maanta Ciidamo deegaan ay maanta deegaanadooda difaacayaan, halkii Qaranku difaaci lahaa, waa maxay difaaca lagu doonayaa,
Xoghayaha cadaalada xisbiga waddani Yonis ahmed Yonis
     
Loading...