Iyada oo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty ayaa mar kale ku celiyay go'aanka Al-Siisi ee difaaca madax banaanida iyo xasiloonida Soomaaliya, isagoo Axadii khadka taleefoonka kula xiriiray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Iyada oo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya ee ku saabsan biyo xireenka Niil, Masar waxa ay diyaar u tahay in ay ciidamadeeda u daad gureyso Soomaaliya , taas oo dhalisay walaac laga qabo dagaal ka qarxa dalkan ku yaalla Geeska Afrika ee ay colaaduhu aafeeyeen.