Waa Maxay Shirka Uu Madaxweynuhu Kaga Qayb Geli Doono Magaaladda Dubai Ee Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta (Uae) Maalinta Berri?
In ka badan 30 madaxweyne, ku dhawaad 400 oo wasiir, iyo kumanaan hogaamiyayaal warshadeed, khubaro, iyo siyaasiyiin ah ayaa kaga qayb geli doona Magaaladda Dubai Shirka Dawladaha Adduunka ee loo yaqaano (World Goverment Summit).
Shirkan oo si sannadle ah u qabsooma, ayaa lagu soo Casuumay Sannadkan markii ugu horeysay Madax ka socota Somaliland, iyada oo uu shirkan ku meteli doono Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md Abdirahman Mohamed Abdilahi (Cirro) isla markaana uu ka jeedin doono Khudbad Taarikhiya.
Shirkan oo socon doonaa 11 - 13 bishan Febuary ayaa sidoo kale soo dhaweyn doona in ka badan 80 urur oo isugu jira ururo caalamiya ah, urur goboleedyo, iyo kuwa Maxaliya, Waxaana shirkan diirada lagu saari doonaa doodaha ku saabsan mustaqbalka maamulka tiknoolajiyadda, caqabadaha caalamiga ah, iyo xalkooda.
Sida aanu kasoo Xiganay Gudoomiyaha Shirka Dawladaha Adduunka Mohammed Al Gergawi ahna Wasiirka Arrimaha Golaha ee Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta, waxa iyaguna ka qeyb geli doona shirkan hoggaamiyayaal caalami ah, oo ay ku jiraan madaxweynayaasha Indonesia, Poland, Sri Lanka, iyo Colombia, iyo sidoo kale ra’iisul wasaarayaasha Kuwait, Armenia, Pakistan, Kenya, Libya, Georgia, iyo Bangladesh,”.
Sidoo kale waxaa jiri doona kulanka wasiirrada oo aan horay loo arag, iyadoo in ka badan 400 wasiir ay kaga qeyb galayaan doodaha ku saabsan maamulka, dhaqaalaha, tiknoolajiyada, warshadaha, iyo caafimaadka caalamiga ah.
Waxa iyaguna shirkan qayb ka ah 27 ururro caalami ah, oo ay ku jiraan Golaha Dhaqaalaha Adduunka, Sanduuqa Lacagta Caalamiga ah, Hay’adda Tamarta Caalamiga ah, Unesco, Ururka Jamhuuriyadda Carabta, iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka.
Kulanka sanadkan waxa lagu lafo guri doonaa xeeladaha lagu xoojinayo hufnaanta iyo waxtarka dowladnimada, kor u qaadista koritaanka dhaqaalaha, horumarinta adkeysiga magaalooyinka ee isbeddelka cimilada, iyo xaqiijinta in nidaamyada caafimaadka adduunku ay diyaar u yihiin iska Caabinta Xaaladdaha Caalamiga ah.
Doodaha Shirkan ayaa sidoo kale diirada lagu saarayaa saameynta tiknoolajiyadda cusub sida Caqliga macmalka ah (AI) iyo Xogta ilaalinta Siraha (CS), iyada oo lagu qiimeyn doono sida dowladuhu uga faa’iidaysan karaan horumarka tiknoolajiyadan Casriga ah isla markaana loo yarayn lahaa Khataraha ka dhalan kara.
Waxa iyaguna qayb ka ah kulankan Qaar ka mid ah shaqsiyaadka Caanka ah sida Mulkiilayaasha Shirakadaha Google, Alibaba, Oracle, MasterCard, CNN, IBM, HP, SAP, Dow Jones, AstraZeneca, Baidu iyo Vodafone.
Shirkan ayaa lagu bixin doonaa Shan Biladood oo ay ka mid yihiin, Abaalmarinta Wasiirka ugu Wanaagsan aduunka iyo Abaalmarinta Macalinka ugu Wanaagsan Adduunka.
Ugu danbayn Shirkan oo noqon doono Madal Caalamiya ayaa Maalinta Berri ah waxa kelmad ka jeedin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Abdirahman Mohamed Abdilahi (Cabdiraxmaan Cirro)
W/Q: Mustafe A. Dirir