Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaasocdaal shaqo oo muhiim ah ku tegay Gobolka Saaxil si uu u hubiyo hawlaha nabadgelyo ee Gobalka.
Taliyaha ayaa Taliska Qaybta Saaxil kulan kula qaatay Taliyaha Qaybta iyo saraakiisha ciidanka ee gobolka, isagoo ugu horreyn warbixin ka dhagaystay Taliyaha Qaybta iyo Taliye ku xigeenka gobolka, isla markaana waxay uga warbixiyeen xaaladda nabadgelyo ee ka jirta Gobalka.
Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan Taliyaha Ciidanka Booliska JSL ayaa sidoo kale ciidamada ku dardaaray in ay si buuxda uga shaqeeyaan xoojinta xaaladda nabadgelyo ee gobolka Saaxil, sidoo kalena dardar geliyan hawlaha amniga ee Gobalka.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa kormeer ku tegay saldhigyada Booliska sida Saldhiga Dhexe iyo Saldhiga Dekeda, Saldhiga Wadajir iyo Kayd Haamaha shidaalka ee Magaalada Berbera , si uu u hubiyo shaqada Ciidanka iyo sidii loo adkeyn lahaa ammaanka guud ee gobolka Saaxil.