Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo Golaha Wakiillada Warbixin ka Siiyay Xeerka Kala Xadaynta Xukuumadda

Wednesday April 16, 2025 - 16:01:06
hadhwanaagnews
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ...



Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa shalay hor-tagay fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, waxaanu sharaxaad ka bixiyay wax ka badalka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’addaha Madaxa Bannaan.

Wasiir Khadar Xuseen Cabdi oo faah-faahin dheer ka siiyay Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland xeerka kala xadaynta nidaamka Xukuumadda iyo hayadaha Madaxabanaan, ayaa waxa uu tilmaamay in xeerkani lagu qeexay kala xadaynta hay’adaha dawlada.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxaa sharaf ii ah in aan hortiina u joogo faahfaahinta iyo iftiiminta xeerka kala xadaynta nidaamka Xukuumadda iyo hayadaha Madaxa-banaan oo aanu soo dalbanay in aad ansixisaan wax ka badalkiisa iyo kaabistiisa. Waxaana xeerkan la sameeyay 2015, waxaana xeerkani saldhig u yahay qaab-dhismeedka iyo qeexidda awoodaha shaqo, waajibaadka iyo wada shaqaynta ee u dhaxeeya laamaha fulinta ee Xukuumadda, sida Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxabanaan.”

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Khadar Xuseen Cabdi waxa uu inaasi ku daray "Xeerkani wuxuu qeexay kala saraynta awoodaha hay’adahaa kala duwan iyo doorkooda, taas oo door wayn ka qaadatay xoojinta maamul wanaagga. Si kasta ha ahaatee sida aynu fahmi karno maamulka dawladnimo iyo guud ahaan maamul oo dhami maaha mid meel taagan, waa shaqo si joogta ah isku badasha, sidaa daraadeed ay khasab tahay in xeerarka iyo siyaasadaha lagu maamulayaa la jaanqaadaan baahiyaha cusub”.

     
Loading...