Dhismaha Xafiiska Wasaaradda Hawlaha Guud ee Awdal oo Xadhigga laga Jaray

Monday August 05, 2024 - 08:38:12
hadhwanaag
Masuuliyiinta madasha ka hadlay ayaa muujiyey muhiimadda...



Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta  Somlaland ayaa xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee xafiiska wasaaradda gobolka Awdal, oo dhawaan loo bineeyay.


 

Masuuliyiinta wasaarada Hawlaha guud ee munaasibadda Xadhig ka jarka ka qeyb galay ayaa waxa hogaaminayay wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta mudane Mustafe Maxamuud Cali Bille, Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamuud Suldaan Aaddan Yuusuf, Agaasime waaxeedyadda wasaaradda iyo qaar ka mid ah Engineerada wasaaradda Hawlaha guud ee heer gobol.


 

Munaasibadda oo si heer sare ah loo soo agaasimey, ayaa waxa ka qeyb galay Xubno ka tirsan golaha wasiiradda, Mudanayaal ka tirsan Gollaha Wakiilada maamulka gobolka Awdal, ka Degmadda Borame, Agaasimayaal guud, wax-garadka gobolka iyo Marti-sharaf kale.


 

Ugu horayn munaasibada xadhig ka jarka xafiiska wasaaradda waxa faahfaahin ka buixiyay isu’duwaha wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo Guryeynta gobolka Awdal Saleebaan Aadan Samater, kaasi oo wsiirka wasaaradda ku amaanay sida uu ugu dhiiraday in la dhiso xafiis ka turjumaya muuqaalka dawldeed iyo meel ku haboon in bulshada loogu adeego.


 

Masuuliyiinta madasha ka hadlay ayaa muujiyey muhiimadda uu xafiiskani u yeelan doono shaqadda wasaaradda ee gobolka Awdal, waxaaney Masuuliyiintu hoosta ka xariiqeen inay tahay siyaasadda xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi in la casriyeeyo xafiisyadda adeeg bixinta dawladda.


 

Ugu danbayn waxaa goobta ka hadlay wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo Guryeynta Somaliland Mustafe Godane waxaanu waxaanu ka wasaarad ahaa balan qaaday in a diyaariyeen dhulkii danta guud ee laga dhisayay wasaaradaha muhiimka ah iyo dhamaan dhulkii danta guud ahaa ee laga dhisayay wax kasta oo dan guud ah.

     
Loading...