Kulan Dhex marey Dublamaasiyiin ka Tirsan Arrimaha Dibeda Ingiriiska iyo Dublamaasiyiinta Safarada Somaliland

Saturday August 17, 2024 - 12:26:38
Hadhwanaag
Kulanka labada dhinac ayaa lagaga wada hadlay iskaashiga..




Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska Md. Cabdi Cabdillahi Xirsi (Dayaxweerar) ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska.


 

Kulan oo ka qabsoomay xafiiska Safaarada Somaliland ee Ingiriiska kana soo qeybgaleen xubno ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee dalka ayaa lagu qaabilay Md. Ilyaas Maalik, wakiilka Ingiriiska ee Somaliland iyo masuuliyiin ka soctay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.


 

Kulanka labada dhinac ayaa lagaga wada hadlay iskaashiga labada wadan dhinacyada amaanka, horumarka, maalgashiga iyo arrimaha la xidhiidha jaaliyada Somaliland ee dalka Ingiriiska.


 

Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska Md. Cabdi Dayaxweerar oo warbaahinta uga waramay ujeedada kulanka ayaa sheegay inuu la xidhiidhay wax wada qabsiga labada wadan.


 

"Shir aad u balaadhan ayaa ka qabsoomay xafiiska Somaliland ee dalka Ingiriiska, kulanka ayaa waxa goobjoog ahaa wakiilka Ingiriiska ee Somaliland Ilyaas Maalik iyo masuuliyiin Arrimaha Dibeda ah.” ayuu sheegay, isagoo raaciyey, "Kulanka ayaa la isku dhaafsaday fikrado kala duwan, waxyaalaha Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriisku muhiimada u leh iyo sidoo kale horumarka Somaliland u baahan tahay.”


 

Sidoo kale xubnahii Jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska oo kulanka ka hadlay ayaa ku bogaadiyey Safiirka Somaliland ee Ingiriiska qabanqaabdada iyo ku soo martiqaadka shirka iyo qodobadii ay isdhaafsadeen dublamaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska.


 

Kulanka ayaa la isla qaatay inuu joogto noqdo, isla markaana saddexdii bilood-ba mar la qabto.

     
Loading...