Xildhiban Maxamed Abiib maaha shakhsi kaliya oo fadhiya Golaha Wakiilada, balse Waa codkii iyo metelaadii Bulshada Gobolka Awdal.

Tuesday July 16, 2024 - 15:44:18
Hadhwanaag
Maalin walba waxa khaatiyaan laga taagan yahay kuwo Tvyada...


May be an image of 1 person and smiling


Haddii la fudeyd sanayo oo Sharciyadii gacanta lagu qaato bal yey caano kaga daadanayaan?. Nin walba wuxu noqonayaa cida uu yahay, Somaliland cida wax ku qabta waala ogyahay.


Xukuumadda maanta joogtaa waxay dagaal qaawan ku qaadey Bulshada Gobolka Awdal. Iyadoo Adeegsanaysa Awood Dowladnimo oo reeraysan.


1: Waxay celisey oo ay fulinteeda lahayd Ugaaskii Guud Ugaas Abdirashiid. Iyadoo Bulshada Gobolka Awdal ay ku ahayd gef iyo sharaf dhac.


2: Waxay dagaal qaawan ku qaadey Dhammaan kaabayaashii Dhaqaale ee Gobolka, oo ay ugu dambeysay 3 milyan ee miisaaniyada laga saarey 2024. Iyadoo aan dheg jalaq u siin tabashooyinka Bulshada ka soo yeedhaya.


3: Waxay iibisey baddii iyadoo aan Bulshada reer Awdal talo laga siin.

4: Markii la xishoon waaayey maantana waxa la soo abaabuley in la yidhaahdo Maxamed xasaanada ha laga qaado.


Maalin walba waxa khaatiyaan laga taagan yahay kuwo Tvyada la taagan cayda Bulshada Gobolka Awdal.

Kuwaasi sharcigu muxuu u qaban waayey?.


Nin ku yidhi sinaan mayno.

Adna diid sareyntiisa.

     
Loading...