Gudoomiye Maxamuud xaashi Muxuu ka Yidhi Dacwada Laga Gudbiyey Xildhibaan Maxamed Abiib?

Tuesday July 16, 2024 - 11:17:25
Gudoomiye Maxamuud xaashi Muxuu ka Yidhi Dacwada Laga Gudbiyey Xildhibaan Maxamed Abiib?
May be an image of 2 people

Hargeysa(HWN):-gudoomiyaha ururka Kaah Maxamuud xaashi Cabdi ayaa ka hadlay dacwada ay xukuumadu ka gudbisay xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiilada somaliland.

gudoomiye Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi  "Dacwadda la sheegayo in xeer ilaalintu ay ku soo oogtay Xildhiban Maxamed Abiib, ma aha meel mar iyo maangal toona. Dacwadaasi waxa ay xad-gudub ku tahay xasaanadda iyo xuquuqda sharci ee Mudane Maxamed Abiib sharci ahaan u leeyahay in uu aragtiyihiisa u cabiro si xor ah, xaalad kasta iyo xili kasta.

Dhinac kale, waa qadaf iyo deel-qaaf looga dan leeyahay in shacabka Somaliland lagu kala qaybiyo, laguna kicinayo shacabka reer Awdal. Waa dhufays iyo damac aan xeeladaysnayn. Waa fowdo, is-miidaamin iyo isbaaro siyaasadeed oo lagu carqaladaynayo jewi doorasheedka dalku u jihaystay.

Ruux walba oo isku daya in uu qayb ka noqdo falal wax u dhimaya wadajirka ummadda, xilkii uu doono ha hayo, wuxuu halis ku yahay amniga qaranka, diiwaanka taariikhdana meel madow ayuu ka gelayaa. Waxaan ugu baaqayaa shacabka reer Somaliland, in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta sarraynta sharciga, midnimada dalka iyo wadajirka dadka.

Ugu dambayn, shir guddoonka iyo mudanayaasha golaha Wakiilladu, waa in ay si wadajir u difaacaan xasaanadda iyo xurmada Xildhibaan Maxamed Abiib.

     
Loading...