Muuse Biixi oo u hoyday jiidda hore sannad ka dib markii ciidankiisa laga soo saaray Laascaanood

Tuesday August 20, 2024 - 09:22:39
hadhwanaag
Madaxweyne Muuse Biixi, sidoo kalena ah murashaxa Xisbiga talada



Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay gaadhay degmada Oog ee Gobolka Sool, halkaas oo fadhiisin u ahayd Ciidanka Somaliland tan iyo 25-kii Bishii Agoosto ee 2023-kii dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay Laascaanood.

 

Muuse Biixi iyo Wefdi uu hoggaaminayey, oo maalmihii u dambeeyey safar ku marayey Gobollada Saaxil iyo Togdheer, ayaa xalay u hoyday degmada Caynaba oo 22 KM u jirta Oog oo fadhiisin u ah Ciidanka Somaliland.

 

Safarkan Madaxweyne Biixi, oo galay maalintii sagaalaad, waxaa lagu sheegay ujeeddadiisa inay la xiriirto "u diyaargarowga doorashooyinka iyo u kuur gelida xaaladda deegaannada Bariga” xilli ay Somaliland doorashooyinkeeda ka hadhsan tahay muddo ka yar saddex bilood.

 

Madaxweyne Muuse Biixi, sidoo kalena ah murashaxa Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ee doorashada 13 November 2024-ka, ayaa dadweynihii uu kula kulmay gobollada iyo deegaannada uu marayey u sheegayey laba fariimood, oo uu sheegay in ay yihiin ujeeddada safarkiisa.

 

Muuse Biixi, ayaa dhamaan khudbadihii kala duwanaa ee uu ka jeedinayey Berbera, Sheekh, Burco, Oodweyne iyo Caynaba, waxa uu ku sheegay in labada qodob ee ujeeddada safarkoodu uu yahay "in difaaca Somaliland loo midoobo iyo in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan”.

 

"Maanta laba koofiyadood ayaan sitaa mid waa ta difaaca qaranka iyo doorashada. Waa labadaa qodob, arrinta waxaanu uga soconaa Somaliland muwaadiniintooda iyo deegaannadoodu intii aan marnay waxay diyaar u yihiin Difaaca dalka.

 

Waxa aynu wax ku nahay marka aynu talada wadaagno ee aynu ku wada qanacsannahay in aynu sharcigeenna wada ilaalino. Wakhtigii madaxweynaha la ii doortay wuu dhamaaday, waa la kordhiyey, wuu dhamaaday, Madaama mar la kordhiyey, mar labaad sharcigu ma ogolanayo, caqliga saliimka ahina ma ogolaanayo, culaysyo aynu arkaynaa way ina haystaan, dhibaatooyin badan ayaa jira. Markaa dantu waxay noqotay in aynu sharciga ilaalino, oo doorasho qabano, dalkana difaacno" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

 

Walaaca Mucaaradku ka qabo doorashooyinka

Inkasta oo madaxweyne Muuse Biixi sheegay in ay ka go’an tahay in ay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, haddana xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa walaac ka muujinaya qabsoomida doorashada, iyaga oo ka hadlay safarkiisa Gobollada bariga.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlayey taageerayaal ka tirsan Xisbigaas, ayaa sheegay in war wareeg ka muuqto Madaxweynuhu inuu doorashada wakhtigeeda ku qabto "Waxa muuqatay in madaxweynuhu Gobollada Bariga olole ka waday, imikana waxa muuqata dareen taban oo ah in aanu doorashadii u diyaarsanayn, oo warwareeg ku jiro, oo uu difaaca qaranka ku wareegaysanayo. Qarankii uu jebiyey ayuu leeyahay waan difaacayaa.”

 

Mucaaradka ayaa waxa ay muddooyinkii u dambeeyey, walaac ka muujinayeen in dagaal ka qarxa gobollada bariga Somaliland, gaar ahaan Jiiddaha Gobolka Sool, uu keeni karo in ay doorashooyinku dib u dhacaan, iyaga oo ku eedeynayey Xukuumaddu in ay "colaad dhacda ku doonayaan muddo kordhin”.

Muxuu Muuse Biixi ka yidhi dagaalkii Laascaanood sannad ka dib?

Waxaa uu markii u horreysay gaadhay degmada Oog oo ah fadhiisamada hore ee ay joogaan Ciidankiisa, tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Goojacadde ee keenay in Ciidankaasi yimaadaan Oog, muddo sannad laga joogo.

 

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad u jeedinayey Ciidanka Somaliland ee halkaas fadhiisamada ku leh, ayaa sheegay in ciidanku door muhiim ah uga jiraan "ilaalinta nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland”.

 

"Waxa marag ma doon ah in Ciidanka Qaranka Somaliland yahay bir adag oo afartankii sanno ee u dambeeyey difaacayey dalkooda iyo dadkooda" ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

Waxa kale oo uu sheegay in "aanu dagaalku dhamaan ilaa guusha la gaadho”, sida uu hadalka u dhigay "Dagaalku ma dhamaado ilaa guusha la gaadho, wax yar oo maalin ku gaadha iyo goob yar oo wax ka dhacaan maaha wax la yidhaahdo waxbaa dhacay. Wuxuu intaa ku daray inay dagaalka sii wadayaan "ilaa la gaadho oo la helo Somaliland oo dhan qaranimadeedii 1960-kii" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo la hadlayey Ciidankiisa.

 

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, ayaa isku hor fadhiya inta u dhaxaysa Deegaannada Oog iyo Guumeys oo isu jira 25 KM, inkasta oo jiiddaha hore ee ay Ciidamadani kala joogaan ay isu jiraan 6 KM, marmar qaarkood halkaas ay ku dhex marto rasaas goos goos ahi.


isha/bbcsomali

     
Loading...