Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyey Inuu Farageliyey Awoodaha Guddida Doorashooyinka

Friday June 28, 2024 - 08:21:19
Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyey Inuu Farageliyey Awoodaha Guddida Doorashooyinka
Hargeysa(HWN):-ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee somaliland garyaqaan Mawliid Cabdi Muuse(Maax) ayaa ku eedeeyey Muuse Biixi inuu faragelin ku sameeyey shaqadii guddida doorashooyinka qaranka.

xeer ilaaliye ku xigeen Mawliid ayaa war uu soo saaray uga digay madaxweynaha inuu qaato awooda komishanka doorashooyinka taas oo uu sheegay inay carqalad ku noqon doonto shaqadii doorashooyinka ee ay u xilsaaran yihiin guddidaasi.

garyaqaan Mawliid ayaa warkiisu ku yidhi " Doorashada yaan laynaga Carqaladayn , Xaq uma laha madaxwaynuhu inuu u jeediyo Komishanka nooca ay doorashada u qabanayaan. Madaxwaynuhu wuxuu ku xad-gudbay awoodda Komishanka , xaqna umuu lahayn inuu sidaa ula hadlo, oo uu awoodii Komishanka qaato
May be an image of 2 people, newsroom and text

     
Loading...