Xafiiska Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane

Wednesday June 12, 2024 - 07:55:56
hadhwanaagtv
Xafiiska Xeer-Ilaaliyha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa...



Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane oo loo heysto in Social Media ay ka wadeen kicin bulsho iyo falal kale.


 

Xafiiska Xeer-Ilaaliyha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Sharci ayaa Maxkamadda Gobalka Banaadir u gudbiyey Eed waafaqsan Qod. 71 X.H.C.S oo lid ku ah 19 Eedeysane oo dhammaantood loo heysto ku lug lahaanshaha Dagaal isir sifayn ah, Khalkhal gelin amni, Naceyb, Kicin Bulsho iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok.


 

Xafiisku waxa uu Maxkamadda Gobalka Banaadir ka codsaday inay soo mudeyso dhageysiga kiiskaas.


 

Hadaba Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu degniin adag u dirayaa dadka Baraha Bulshada u isticmaala dhaqamada xun xun oo liddiga ku ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed, Dhaqan xumadaas oo ah Aflagaadeynta, Iskudirka Bulshada, Been abuurka, naceybka iyo kicinta bulshada.

     
Loading...