Golaha Wakiillada oo Ansixiyay Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda.

Thursday July 04, 2024 - 07:46:21
hadhwanaag
Fadhigan Golaha Wakiilada oo ay ka soo xaadireen 45 Xildhibaan...



Fadhiga Golaha Wakiillada oo uu Shirgudoominayay Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Wakiillada Siciid Mire Giire ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ku ansixiyeen xeerka hawlgabkaiyo Xaqsiinta shaqaalaha Dawlada.


 

Fadhigan Golaha Wakiilada oo ay ka soo xaadireen 45 Xildhibaan ayaa waxa ay cod u qaadeenxeerka hawlgabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha Dawlada,waxaana ogolaaday in la ansixiyo 25 Xildhibaan,waxaana diiday afar Xildhibaan halka ay ka aamuseen 15 Xildhibaan guddoomiyihuna muu codayn.


 

Xeerka hawlgabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha Dawlada oo Golaha Wakiilada wax ka badal iyo kaabis ku sameeyeen ayaa u gudbi doona Golaha Guurtida si ay waajibaadkooda uga gutaan.

     
Loading...