Maxaad ka taqaanaa xeerka ragga?

Sunday June 16, 2024 - 14:17:25
Hadhwanaag
Waase su'aale dumarku xeer ma leeyihiin?


Xeerka raggu ma ahan dastuur buugaag ku qoran ama xeer qodob-qodob loo dul istaago,balse waa xeerar dhammaan raggu dhaqan ahaan ay isku waafaqsan yihiin.

Raggu waa kuwa hab dhaqan ahaan ka duwan kana qalafsan dumarka,taasna waxaa lagu sababeeyaa ka awood badnaantooda asalka ah.

Haddii aan wax ka xuso Xeerka ragga waxaa ka mid ah:
● Xeerka ragga waxa uu leeyahay :

ninka ragga ahi inuu shakhsi dumar ah la xifaaltamo waa mamnuuc: dhammaan raggu waxay iska waafaqsan yihiin in dumarka la ixtiraamo,la sharfo oo la maamuuso.

● xeerka raggu waxa uu qorayaa:
Ninka ragga ahi in uusan dulaysan qof uu ka awood badan yahay.

● xeerka ragga waxa uu ina leeyahay:
Haddii aad dad badan la joogto (ama la socoto) wax haboon ma ahan inaad keligaa wax iibsato ama aad wax cunto.

● xeerka ragga waxaa ku qoran:
Ninka ragga ahi waa kan mushkiladaha xalliya oo mar kasta isku daya inuu fitnada damiyo,mana ahan rabshad abuure.

● xeerka ragga waxa uu qorayaa:
Ninka ragga waa shakhsi awoodihiisa xakameeya oo aan dulmin dadka ka daraja hooseeya, la socda xaaladaha ku gadaaman,xidhiidhiya qaraabadiisa,qunyar socod ah oo aan dhac dhac badnayn.
Xeerarka raggu waa tirabeel oo ma ahan kuwa qoraal lagu soo koobi karayo,balse nin kasta oo rag ahi wuu yaqaanaa xitaa kan miyiga geela ku dhaqda.
Adigu maxaad ka taqaanaa xeerka ragga?

Waase su'aale dumarku xeer ma leeyihiin?

Ahmed Qasaali
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...