Muxuu Yahay Xeerka Muuse Biixi Saxeexay Ee Beesha Caalamku Soo Dhawaysay?

Wednesday March 13, 2024 - 18:05:14
hadhwanaag
"Waxa kale oo qoraalka lagu sheegay in ay sidookale aad muhiim u tahay... "



Hargeysa, (HWN) - Waddamada Somaliland ka taageera geedi socodka dimuquraadiyada ayaa guul wayn ku tilmaamay meel marinta xeerarka doorashooyinka Somaliland.

Qoraal wadajir ah oo kasoo baxay waddamada Ingiriiska, Norwey, Denmark, Finland iyo Sweden, ayay waddamadu kusoo dhaweeyeen dhamaystirka xeerarka doorashooyinka Somaliland iyaga oo sheegay in ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dimuquraadiyada
.
"Meelmarinta xeerarka waxaanu u aragnaa in ay dib u xaqiininayso ka go'anaanshaha Somaliland ee qabashada doorashooyinka, waxa aanu kala shaqayn doonaa dhamaan daneeyayaasha sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda 13, November, 2024"Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa kale  oo qoraalka lagu sheegay in ay sidookale aad muhiim u tahay in dhamaan daneeyayaasha dooraahooyinku ay isku wada raaceen wakhti cayiman oo lagu qaban doono doorashooyinka.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan qalinka ku duugay wax ka badal lagu sameeyay xeerka doorashooyinka, oo mudo badan uu muran ka taagnaa, kadib markii ay meel mariyen golayaasha baarlamaanku.

Kadib meel marinta xeerarka waxa la rajaynayaa in doorashooyinka isa saaran ee madaxtooyada iyo ururadu ay Somaliland ka qabsoomaan dabayaaqada sannadkan.
     
Loading...