Nuxurka Kulan Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland

Thursday July 04, 2024 - 08:33:11
Nuxurka Kulan Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland
May be an image of 8 people, newsroom and dais

Waxaa uu kulan shalay dhex maray madaxweyne Biixi iyo Xubnaha Kominshanka Doorashooyinka .

Kulankan oo qaatay saacado badan ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen saddex arimood oo kala ah .

Dhaqaalaha Kominshanka weli kaga hadhsan dhanka xukuumada , arinta Biometric-ga iyo hadal dhawaan ka soo yeedhay madaxweyne Biixi oo ku saabsanaa Biometric-ga.

Dhamaan Arimahan madaxweynaha iyo Kominshanku waxay ka gaadheen isfaham Buuxa .

Kulankan Todobada xubnood ee Kominshanku way u dhamaayeen , dhanka madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey laba wasiir iyo xubno kale oo ka mid ah xukuumadiisa .

     
Loading...