Markaan Tallo Meel Dhigna-ba Maxaad U Maroorisaa? (Abdi-Shotaly).

Friday June 14, 2024 - 10:14:18
hadhwanaag
* N.B Qof Meel U Cadahay,Meeli Ka Madaw!


Murtidda Somalidu way badan tahay, xikmadda ku jirtaana maaha mid afaf badan oo aduunka ah laga heli karo, markaad eegto Maah-maahaha, Odhaahaha, Gabayadda, heesaha iyo weliba Sarbeebo laysu dul maro iyakoo la dedaayo, loona qariyo kuwa hoos loogu dhigaayo ee ay af-koodda ka soo baxaan eryo aan markaas ku haboonayn ama aan laaqi ku ahayn waxa kolkaas laga hadlaayo sidda " Kaba follow ma halkaas baad ka baxaday" iyo wuu " Dar jiidhay" Ka lala hadaayo-ba maaha, Ka Dar oo dibi dhal, Dhan-kaan ka hadlay waa kaas qamaan dhaafay hadalkii iyo kuwo kaloo ka buuxa af-keena oo ay ka mid yihiin " Dhaw-dhawdu caduur umay dhicin". Waa yaabe, imika bay maryaha si wacan u tureen, waxana kuu cadaynaaya, arimihii ay Beesha H.Jecllo ay ummadda ku kala bad-baadisay, oo cirka lagu laalay, shakina dib u geliyey, shicibkii rajadda qabay. Oo ay askartu tidhi waa ina wax kama jiraan, heshiiskii sabata-bixinta ahaa ee aanu la galay Madax-dhaqmeedkaBeesha H. Jecllo oo waa kuwaas wixii lagu heshiiyey-ba, ee ummadu ku degtay dib ugu celiyey khal-khal iyo ila-meerayso cusub.


 

Waxan hadaba u soo qaatay xikmadaha sare ku yaala, waxa weeye, maamulka " Xaafad-tooyadda Hargeysa" ee labadda askari iyo jin-daagayga, digsi xagatadu wax ka leeyihiin ujeedooyin gaarka ah, kuwaas oo aan wadin dan ummadeed iyo mid dal-toona, way ka " Malafayiin" waxa loo sheegaayo, sababta oo ah waxay u arkaan in aanay faa'iido iyaka igu jirin, ee wax ay is dhaafiyaan uun iyaku raadi-naaya, horaa loo yidhi " Qof meeli u cadahay, meeli ka madaw" waayo xaqiiqdda ma rabaan in wajahaan. Hees ay qaadi jirtey, Rabbi haw naxariistee Khadra Daahir, baa waxa eryadeedda ka mid ahaa " markaan muska tiiriyaba maxaad meel uga gurtaa, murakan horta kuugu wacan, markaan tallo meel dignaba maxaad u maroorsaa, meel daran aad ula kacdaa" ummadu waa yaaban tahay, oo dhabanka iyo gacmaha bay isku hayaan, waana ay ka daadegi la'dahay ficiladda askarta, aan dhan loo raaco haba- yaraatee aanay jirin, qof waalan uun ka soo qaad iyo wixii laga fili jirey. Ilayn sidan miyir qab kuma sheegi karnee.


 

Akhristaw hees kale oo ay ku luuqayn jirtay Khadri ( Alle raali ha ka ahaadee), baa waxa ka mid ahaa " Bukaan socodka liitaa, dadka waa ku badan yahay" Hadaba markaad eegtid dhaqanka askarta ka shimbiro waaqleeya Guriga " Xaafad-Tooyadda" maryaha uun bay sitaane ma ay bed-qabaan ee beri hore bay mishiinadda safeeyeen, dar wax loo dirin karo, oo ina maamuli kara maaha, waayo iyakii baa bestood ah oo in la xanaameeyo u baahan. Xaal-koodu wuxuu isugu biyo shubatay kadhaaf iyo in ay khali-duuraan. Malaha waxa laga dhaadhiciyey nin adag baad tahay, laakiinse waxa maqan tii maskax ahayd. Oo askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Wuu khali duurayaa, jihaddii baa ka habawday, kuwa hoos tubanina waa qaar ka sii liita oo dantood-maraatayaal ah, khaladka uma sheegi karaan ee waa xil ilaashad, sidda geenyo-Shaaximan, Bakhti Dhego-weyn, Kooraysane, Cali Madhane, Xaliye Xinif, Jano ka bood, Gafane fuuray ( Buuni), iyo qaar kaloo badan, kuwaas oo sii daba leefa Digsi-xagato iyo Jin-Dagaagay.


* N.B Qof Meel U Cadahay,Meeli Ka Madaw!

Qore:- Abdi-Shotaly.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...