Digsi Xagato Oo Maalmihii Ugu Dambeeya Ku Jirta (Abdi-Shotaly).

Sunday June 23, 2024 - 15:27:16
Hadhwanaagtv
* N.B Caanu Dhawaan Way Ka Quban Ciil Dar Loo Qabaye!

Waxa soo gaba-gaboobay maalmihii ay awr-kiraala-yaashii askarigu beelaha u adeegsan jirey, ee uu faraha dufan u marin jirey, dabeed-na uu mid kasta ku soo dareerin jirey beeshiisa, si uu ugu kala qaybiyo. Bahalka Raha la yidhaaho baa xiliyadda Guga iyo dayrta waasha, oo qayladooda laga baxaa, iyaka oo ilwasan wixii soo haraad soo maray, jiilaalka ka dambeeyana aan wax u madhaxsan, oo isaga waa calooshiisa la ciyaar, markay ku xun-tahayna dhoobadda baliyadu ku dhegto. Hadaba waxa cayn-kaas ka dhigan, kooxaha " Digsi-Xagato" oo hadeer uu wel-wel soo food-saaray, waayo waxay arkeen Askarti qanjidh-sarceedka u tiiri jirtey oo ay ayaamo tirsani u hadheen, oo kuwii loo adeegsan jirey ay fahmeen, in aanay dib u soo noqdaan, ee ummaddii dhamaan Mucaaridka isugu biyo shubatay rajo ay sii eegtaana aanay u hadhin.

Digsi-xagato waxay imika marayaan, halkii ina Cabdalle Xasan kolkii uu jabay uu ku barooranaayey ee uu lahaa " Halkaan Daarood Ka Raacaa" muwaadin waxa hore loo yidhi " Geelaw soco-soco markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaaye" Maanta Digsi-xagato marxalad waaliyeed iyo mid miyir qab mid-na kuma noola, sababta ooah, waxay arkeen in aanay dhex geli karin beelahooddii, cadceeddii maamulka askari-guna ay ka dhacday, oo Waddani baalaha la kala baxay Gobol kasta, loogu daatay goobihii ay tirsanayeen, oo waa Rabbi mahadiiye lagu sii qulqulaayo Waddani. Immaddii reer S/Land waxay u soo guntatay siddii ay isu dhaafin lahaayeen, waxay maamulka askartu ka samayn karaana aanay oo ka soo muuqdaa, in ay tagaan mooyaane, haday miciin-sadeen in ay caayaan madaxdda "Is-bahaysiga KAAH iyo WADDANI"

Waxan ku soo xidhay maqaalkan, Murtiddii Qaadim ee ahayd " Nin kastoo salaan dheer u baxay soo deg baa xigiye, iyo xkimaddii iyana ahayd " Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dad loo qabaye". Haday taagan tahay waxa leeyihii murtadda sare ku taal. Ereyo ka mid ahaa " Silisladdii Guba" kuwaas oo ah" Nabsigu waa daruuraa cirka iyo sidda dabay-shaase" Waa run oo wakhtigu wuu is bedelaa, waana si daruurtaa kolba dhan u guuraysa, qofse in uun fekerayaa wax buu ku qaataa laakii Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Digsi-xagato iyo jin-digaagay xaal-koodu waa baaba, waanay og-yihiin in aanu askarigu dib u soo baxayn, meel ay ku noqdaana uma hadhin, imikay hadaba derbi fooda ku soo hayaan, oo leeyihiin " Allahaw Maxay Noqon Ninkii Awrki Lacag Siistay"

* N.B Caanu Dhawaan Way Ka Quban Ciil Dar Loo Qabaye!

Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...