DEG DEG Xanuun Wajaale Ku Soo Riday Dad Boqol Ku Dhow Iyo Khatarta Jirta Oo Laga Dayrinayo.

Wednesday March 20, 2024 - 12:25:04
hadhawanaag
Dadka xanuunku soo ritay oo u badan waayeel..



Xanuun loo malaynayo Daacuun oo a dillaacay degmada Tog-wajaale, ayaa faro-baas ku haya Dadweynaha.


Wararkii u dambeeyay ee halkaa laga helay, ayaa sheegay in xarumaha Caafimaadka la gaadhsiiyey dad 40 ka badan, kuwaasi xaaladdoodu culus tahay.


Dadka xanuunku soo ritay oo u badan waayeel iyo Carruur, ayaa tiradoodu muujinaysaa sida deg-degga ah ee uu xanuunku u faafayo.


Wajaale oo ku taalla xuduudka Somaliland la wadaagto Itoobiya, ayaan xarumaheeda Caafimaadku lahayn awood ay mar keliya ku qaabilaan bukaano intaas leeg, taasi oo waajib ka dhigaysa in gurmad deg-deg ah lala gaadho Magaalada Wajaale.


Degmada Wajaale oo ka mid ah Magaalooyinka ku yaalla xuduudka, ayaa u nugul xanuunada faafa, sida shuban biyoodka.

     
Loading...