Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Deegaanada Canfarta & Somalidu Ku Dagaalameen

Wednesday April 24, 2024 - 09:05:55
Hadhwanaag
"xaalladu waa mid saacad kasta dib dagaalku dib u qarxi karo."



Waxa ku dhawaad muddo bil ah dagaallo ku dhex marayaan gobolka siti ee dawlad-deegaanka soomaalida labada qoomiyadood ee Canfarta iyo Soomaalida.


Dagaalkan oo salka ku haya muran dhuleed ayaa saddexdii maalood ee danbeeyay xabbaddu qabawday, balse xaalladu waa mid saacad kasta dib dagaalku dib u qarxi karo.


Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaannada ay ku muransan yihiin sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan labada deegaan.


Iyada oo ay taagan tahay colaadda labada deegaan oo aan xal waarana laga gaarin sheegashada dhulka la isku hayo.
     
Loading...