Dhaw-Dhawdu Caduur Umay Dhicin (Abdi-Shotaly).

Sunday May 12, 2024 - 10:11:12
hadhwanaag
* N.B Shicib Kuu Xaraysani Ma Jiro, Xaafad Uu Yahaye, Ee Xanaamadda Ka Laalaabo Xaafad-Tooyadda

Ummad yahay, waad maqlayseen Askariggii " Raggii ma adigaa ka hadhay" oo weli been-tiisii, wixiisii xilka lahaa boodhaaqaaya, oo maskax xumidiisa is leh weli ummadan kaa oodda jebisay, ee kaa dhaqaaqday, waxad ku beer laxawsan kartaa khiyaali iyo is-moodsiis. Rabbi haw8 naxariistee Abwaan Salaan Carrabay baa waxa laga hayaa " Bal hanfade waalan yahay hadi la'aantiisa, haduu ku hirtey kuwuu huway colaadiiye" Odhaah baa waxay ahay " Dhaw-dhawdu caduur umay dhicin, oo dhantii bay hibo mooday dheel-dheel. Alhristaw kani mid caqli qaba maaha, maana waayo'l-arkana maaha, kuwa la taliyaana waa qaar ka sii liita, siidda " Bakhti dhego-weyn, Cali madhane, Buuni, Koraydane, Geenyo-Shaaximan. Ina murjin madoobe" iyo dar la nooca. Dad-kaasi sidee bay wax maanta u tari karan. Akhristaw waxan hadaba halkan idiinku soo gudbinayaa, maanso yar oo aan daawaha ka soo qaaday, taas oo ka jawaabaysa arimaha sare ku yaal, waana tane iga hooya.

(1) Xidiguhu askari halkii
(2) Xalay ma joogaane,
(3) Xaydkii ka roge runtii,
(4) Iyo Xayaab-kiiye,
(5) Waa kuwaas xijaabkii maryaha,
(6) Xooray ee dhigaye,
(7) Imikay daruurtii xays la da'aysaaye.
(8) Ummadaad xumaysaa ku tidhi,
(9) Xaasidyaw orode,
(10) Xasuuqii aad noo geystaa,
(11) Weli xasuustaaye.
(12) Xakamaha ayey kuu jareen,
(13) Kuwa aad xod-xodataaye ( waa Reer Gebileyy)
(14) Xaqiiq-dood ka boodaana,
(15) Waa xisaabli'iye,
(16) Shicib kuu xaraysani ma jiro,
(17) Xaygan maanta ahe,
(18) Xadhigay dhamaan kuu jareen,
(19) Xaafadii dhamiye,
(20) Baloodha-dadd ka xoogtiyo,
(21) Beerihii xadaysay,
(22) Waa wadda xanaaqeen dadkii,
(23) Xaafad uu yahaye,
(24) Xamaamadda ka laalaabo,
(25) Xaabadda ku hoos joogta,
(26) Eed xeeladaa u dirtey,
(27) Inay foodka kuu soo xadaan,
(28) Waa xishood-liye
(29) Xaashaa-lilaahiye,
(30) Waa xaajo beeneede,
(31) Is-xabaal ayaad tahay ninyahaw,
(32) Xooray noloshiiye,
(33) Waakaa nabsigii xero ka degay,
(34) Ee xaadhay gogoshiiye,
(35) Adaa xaaluf daaq-yahaw ku hadhay,
(36) Xero iblayseede.
(37) Xamdi Eebbe weeye Ummadu,
(38) Waa xalaal doone,
(39) Xaarami-yahaw na dhaaf,
(40) Xaaqday ummadiiye.

Hadaan muwaadin in yar kuugu daro, waxan doonayaa in aan kuu bayaamiyo, kuwa cumaamadaha madax ku duubtay, ee beenta u sheega askariga meesha baf-baf leh, kuwaas oo yidhaaha anaka baa beesha gacanta ku hayna, oo ah kuwo aan wax la waydiin, waxa kuwaas ka mid ah:- Shaydaan habaar, Sabeeye ( waxad u taqaan Sabayste) Denbi Madaw ( bad madaw), Cali duul-duul, Ibraahim Duufle iyo qaar kaloo badan. Waxan qaba oo aan ku soo dabray maqaalkan, nin kastaa wuxu doono ha isku maaweeliyo sidda maamulka labadda askariye, " Raggii ma adigaa ka hadhay " Waa mayd socinaaya " dead man walking " laakiin weli isma oga, waxase uu garan doonaa maalinta foodka loo dareero, taas oo wax kasta loogu diyaar yahay shar iyo khayr-ba siduu rabana wax loogu sheegi doono.

* N.B Shicib Kuu Xaraysani Ma Jiro, Xaafad Uu Yahaye, Ee Xanaamadda Ka Laalaabo Xaafad-Tooyadda
Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...