"Somaliland Waxa ay Indhaha ku Haysaa Maal-gashi ay Itoobiya ku Samayso Kalluumaysiga.

Tuesday June 04, 2024 - 10:57:42
Hadhwanaagtv
Somaliland oo haysata goob istiraatiji ah oo si fudud looga..



Warbixin uu daabacay wargeyska Ethiopian Herald ee fadhigiisu yahay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay doonayso in ay kordhiso maalgashiga Itoobiya ee dhinacyada kalluumaysiga, beeraha, iyo saadka, iyada oo Somalialnd ay u hanqal taagayso xidhiidhka ganacsi ee ay la leedahay deriskeeda.


 

Waxa kale oo warbixintan lagu sheegay in Somaliland oo haysata goob istiraatiji ah oo si fudud looga geli karo marinka badda Cas, iyo kheyraadkeeda dabiiciga ah ee aan laga faa’iidaysan, ay Somaliland filaysso maal-gashi ballaadhan oo dhinaca Itoobiya uga yimaada, ka dib heshiiskii badda ee dhawaan dhexmaray labada dawladood.


 

Warbixintan oo wargeyska Dawan u soo turjumay luuqada Af-ka Soomaaliga waaxay u qornayd sidan:- "Somaliland waxay doonaysaa inay kordhiso maalgashiga Itoobiya ee dhinacyada kalluumaysiga, beeraha, iyo saadka iyada oo Hargeysa ay u hanqal taagayso xidhiidhka ganacsi ee ay la leedahay deriskeeda weyn.


 

Somaliland oo haysata goob istiraatiji ah oo si fudud looga geli karo marinka badda cas iyo kheyraadkeeda dabiiciga ah ee aan laga faa’iidaysan, Somaliland waxay filaysaa maalgashi badan oo dhinaca Itoobiya ah, ka dib heshiiskii badda ee dhawaan dhexmaray labada dawladood.


 

Wasiirka Maalgashiga Jamhuuriyadda Somalialnd Cabdirisaaq Ibraahim oo si gaar ah ugu warramay wargeyska The Ethiopian Herald, ayaa waxa uu yidhi "Waxaan sidoo kale u baahannahay in aannu furno fursadaha waaweyn ee lagu xoojinayo xidhiidhka maalgashiga ee aan la leenahay deriskeenna aadka u weyn ee aan badda lahayn. Waxaannu ku dhiiri-gelinayaa maalgashadayaasha Itoobiya inay ka faa’iidaystaan goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, si fudud oo ay ku galaan badda, ammaanka iyo khayraadka aan sidii la rabay looga faa’iidaysan.


 

Somaliland waxa ay leedahay awood ballaadhan oo dhinaca horumarinta kalluumaysiga ah, waxaanay u dhoofin kartaa Itoobiya wax-soo-saarka kalluunka, iyada oo maal-gashadayaashu ay sidoo kale ka faa’iidaysan karaan fursadahan ganacsi. Iyada oo si fudud ay uga faa’iidaysan karaan maalgashadayaasha ajaanibka ah.


 

Somaliland shisheeyaha iyo dadka gudahaba waxa lasiiyaa fursado maalgashi oo siman, dhul ayaanu kiraysanaa, waxaanu bixinaa liisan iyo cashuur dhaaf. Somaliland waxay raadinaysaa maalgashadayaasha Itoobiya iyo wadamada Afrikaanka ah.”


 

"Hadda, maalgashadayaal badan oo Itoobiyaan ah ayaa ku hawlan ganacsiyo yaryar iyo kuwo dhexdhexaad ah oo kala duwan, laakiin waxaan rajeyneynaa in shirkado waaweyn ay yimaadaan oo maalgashadaan mustaqbalka,” ayuu yidhi wasiirka maalgashiga Somaliland.


 

Somaliland waxay rajaynaysaa maalgashadayaal badan oo ka yimaada beeraha, iyada oo qaybta beeraha ee Itoobiya ay ku socoto isbedel wanaagsan oo degdeg ah, ayuu wasiirku intaas ku daray.


 

Is-afgaradka ayaa la filayaa inuu faa’iidooyin aad u sarreeya u keeno labada dhinac oo keliya balse sidoo kale gobolka guud ahaan. Marka uu heshiiskaasi hirgalo, ganacsiga wuu kobci doonaa, ganacsiguna wuu kobci doonaa, ayuu wasiirku rajo wanaagsan ka muujiyay.


 

Wasiirka oo tilmaamaya iskaashiga ka dhexeeya Itoobiya, Somaliland iyo DP World ee horumarinta dekedda Berbera, waxa uu wasiirku ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo iskaashiga gobolka si loo fududeeyo maalgashiga iyo ganacsiga deegaanka.”

 

 

     
Loading...