Ujeedada Wada Hadal Somaliya Iyo Itoobiya Uga Furmay Ankara.

Sunday June 30, 2024 - 18:05:34
Hadhwanaag
"Dowladda Soomaaliya ayaa u qabatay bishaan June ee maanta ku eg…"

 


Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Somaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa u amba baxay dalka Turkiga, halkaasi oo la filayo inay kaga qayb geli doonaan wada hadal dhexmaraya Somaliya iyo Itoobiya.


War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay, in Dowladda Somaliya ay ka go’an tahay mabaadi’deeda ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.


Turkiga ayaa Somaliya u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.


Dhawaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan wax wada hadal ah la gali doonin Ethiopia, illaa iyo inta Itoobiya ay ka laabanayso heshiiska arrimaha badda oo ay kula jirto Somaliland


Dowladda Soomaaliya ayaa u qabatay bishaan June ee maanta ku eg, inay Itoobiya uga laabato heshiiska badda, haddii kale waxay dowladdu sheegtay in ciidamadeeda ay si degdeg ah dalka uga bixidoonaan.

     
Loading...