Khasaare Ka Dhashay Guri Ku Dumay Shaqaale Dhisayay Hargaysa.

Saturday May 11, 2024 - 18:14:35
Hadhwanaag
"Geesta kale ciidamada dabdamisku waxa ay digniin u direen masuuliyiinta ..."

Ciidanka Dabdamiska Somaliland ayaa sheegay in lix nin uu ku soo dumey dhisme ay ka shaqeynayeen, xilli ay ku gudda jireen shubista dhismaha gurigan oo ku yaala   xaafada Masalaha ee magaalada Hargeysa.


Sidoo kale ciidanka dabdamiska ee magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen in gurmad deg deg ah ay u sameeyeen, raga uu ku soo dumay gurigaasi ay ka shaqeeyeen, isla markaana ay dhaawacyadoodii u qaadeen cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.
Geesta kale ciidamada dabdamisku waxa ay digniin u direen masuuliyiinta shirkaddaha dhismaha, waxaaney fareen in marka ay dhismayaasha samaynayaan inay ku dabaqaan nidaamka badbaadada.

Gaba-gabadii warkan ka soo baxay taliska guud ee ciidanka dabdamiska Somaliland, ayay bulshada ku fareen haddii ay la kulmaan masiibo in ay soo  garaacaan  lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/Somtel.
     
Loading...