Gudcur Dumay Kuma Guryo Geeyo Askari.

Thursday June 27, 2024 - 15:55:47
hadhwanaagtv
* N.B Ninkii Banaayaw Lagu Fasax, Marna Taaktaa, Marna Tamartaa!


Sidda cilmiga loo yaqaano Saynisku sheegaayo, Dhirtu marka ay qalalayso Xididadda baa ugu hor dhinta, oo aan ka soo qaadin ama ka soo nuugin dhulka macdanta iyo biyaha uu geedku ku nool yahay, dabeed waxa dhamaan is taaga waraabintii qaab dhismeedka geedka oo loo yaqaan afka Ingiriisiga " Vascullar bundles", ka-ka keena dhulka ee ka soo qaadda Macdanta iyo biyaha una qaybiya geedku siduu u dhan yahay, waxa la yidhaahaa "Xylem" isaga oo dhamaan gaadhsiiya qaybaha kala duwan ee geedku ka kooban yahay, sidda caleemaha, jiridda, laamaha iyo xididadda-ba. Raashinka ay caleentu u samayso geed-kana waxa inta kale u geeya " Marin dhuuneedka la yidhaaho " Phylem", isaga oo la kaashanaysa gantaalaha cadceedda, ee loo yaqaano " Photosynthesis". Hadba Marka ay dhin-taan xididadu ee wax-ba ka soo qaadi waayeen dhulka, dhuunta isgaadh-siinta ee geedka " Vasculler Bundles-ka" baa meesha ka baxdda, oo shaqaddii joojisa, ilayn wax ay u kala qaado geedka ma jiraane. Haddii aad intaas ila fahan-teen akhrista-yaal, aan idinku soo dhaweeyo waxa aan u soo qaatay Dhuun mareenadda geedku ku dhisan yahay, haduu waayana uu qalalaayo, waana tan hoos ku qorane iga qabta.


 

Murti baa ahayd " Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodana ha dheerayn, ku dhici doontaana mooyaane" Askariggii intuu cid is lahaa booraan ku rid, buu isaggii haadaan dheer gunta ka soo jeedaa maanta. ee bal ila akhriya sheekadan. Qudhmiye waxa asaasay, sidda ka muuqata labadda gacmood ee is salaamaaya, taas oo la magac baxay jeegaan ama Afka Ingiriisiga waxa la yidhaaho" Rainbow" Aan hoos u dhaadhaco'e, hadaba aniga oo aan afka ka duwayn, waxay jeegaani ahayd laba beelood oo kala ah Beesha,H.Awal iyo beesha Habar Jeclo, oo runtii ahayd beesha waraabisa jeegaanta, oo la mid ah ta geedka ee macdanta iyo biyaha dhulka ka soo nuugta sidda " Dhuun biyoodka " Xylem ee geedka", waana ta uu ku dhisnaa magaca jeegaantu, sidaas awgeed waxa meesha imika jiraa waxa weeye, in ay beeshii sidaas ahayd ay joojisay shaqaddii ay u haysay jeegaanta, ogaw oo qaybta kale Waa " Phylem" iyadu waxay ku shaqaynaysay dhuun-biyoodka dhulka ka yimaadda ee "Xylem", haddii wax-ba dhulka ka iman waayaan, caleentu ma samayn karto raashinka uu geedku u baahan yahay, dhuuntii raashinka qaadi jirtey ee " Phylem" ma samaynayso cuntaddii geedka uu cuni jirey, la soco oo cadceeddii ka caawin jirtey samaynta raashinka geedka, iyana waxay isu bedeshaa in ay gubto caleentii wax samayn lahayd, ka dib-na caleentii inta ay engegto bay dhulka ku daadataa, waxana ay noqtaa waxa aynu nidhaahno " Xaab".


 

Akhristaw Haddii aad ila fahantay intaas, waxay tahay gaba-gabadda maqaal-kani, labaddii dhuun-biyood ee geedku ku noolaa, kuwaas oo kala ah H.Jecllo oo ka dhignayd " Xylem" oo ah dhuuntii quudinaysay Jeegaanta, oo la'aan-teed geedku dhimanaayo, taas waxa micna-heedu yahay, Reerkii jeegaani ku dhisnayd way jooji-yeen xidhiidhkii ka dhexeeyey qaybtii geedka raashinka u samayn jirtey ee loo yaqaano " Phylem". Hadaba mar haddii beeshii aasaaska u ahayd ay joojisay wadda shaqayntii, qaybtii raashinka samayn jirtey-na ee " Phylem" Waa Awale, ma sii noolaan karto, oo iyaddii baab iyadda laf-teeddii raacday qaybtii kale, sidaas awgeed geedkii jeegaantu sidaas buu dhintay,. Mar haddii geekii labaddii qaybood ee u adeegi jirey meeshii ka baxeen, geedkii isaga ahaa wuu dhintay, intuu engegay buu xaabo noqday, dibna u soo qoyi maayo ee wuu ku daayey. Waxa cayn-kaas ka dhigan maanta, maamulkii askariga oo dabadda jeediye, jeegaantii oo siday u dhamayd u Diga-Rogatay Waddani, Labaddii Askari iyo maamul-kooddiiba isana caleen-tooddii baa cadaatay, dibna in ay u soo noqdaan ha filina waa " Nin daad qaaday xumbo cuskaye" Daaya khiyaaliga ha isku maaweeliyeene, cadceedda baa hor-toodda iman doonta wakhti aan dheerayne.


* N.B Ninkii Banaayaw Lagu Fasax, Marna Taaktaa, Marna Tamartaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...