Magacyada Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Ka Dhacay Hargaysa.

Tuesday May 14, 2024 - 10:05:08
Hadhwanaag
"Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ayaa ka hawlgalay shilkaas"
Alle Haw wada naxariistee laba wiil oo dhalinyara ayaa habeenimadii xalay shil gaadhi ku dhintay duleedka Galbeed ee magaalada Hargeysa.

Laba Marxuum ayaa magacyadoodu kala ahaayeen

1. Siciid Maxamed Cumar Samriye

2. ⁠Xamse Khaalid Cabdilaahi Falaago.

Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ayaa ka hawlgalay shilkaas. Labada gaadhi ayaa mid ahaa gawaadhida yar yar halka kala ahaa Booyad.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii Qaraabadii, asxaabtii iyo eheladii ay ka baxeen labadaa marxuum. Samir iyo Iimaan saadiqa.

Badhasaabka,Maayarka Gabiley, Ciidanka Booliska, degmada Gacmadhe ee dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa hawlgalkaa goobjoog ahaa. Wadayaasha Gaadiidku haka taxadaraan xawaaraha Gaadiidka.
     
Loading...