Tirada Dhimashada Shil Gaadhi Oo Wadada Burco Iyo Sheekh Ka Dhacay.

Sunday June 23, 2024 - 18:14:17
Hadhwanaag
"Shilalka gaadiidka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kor ukacay"

 

 


Inaalilahi waa inaa ilayhi raajicuun. Ilaahay haw naxariisto Marxuumiinta kala ah; Cabdiraxmaan Yaasiin Cali Gadhle iyo Cabdishakuur Dalab Dhookir ayaa maanta shil-gaadhi ku geeriyooday.

 


Shilkan gaadhi ee labadan marxuun oo dhalinyaro ahaa ku geeriyoodeen ayaa ka  dhacay Jidka u dhexeeya Magaalada Sheekh iyo Burco.

                                                   


Labadan marxuum ayaa ka tirsanaa bahda kubada cagta ee Somaliland.

 


Shilalka gaadiidka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kor ukacay, ilaa hadana xukuumada Somaliland may keenin qorshe lagu xakayn karo shacabka tirade badan ee ku leeday shilalka.

 

     
Loading...