BURCO: Arday Macalinkoogii Kula Kacay Dhacdo Naxdin Badan

Sunday June 23, 2024 - 18:03:09
Hadhwanaag
"Macalinka ayaa xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayaa cisbitaalka"



Hargaysa (HWN) Guud ahaanba waxa ka socda deegaanada kala duwan ee Somaliland imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 4aad ee dugsiga sare iyo fasalada 8aad.

 


Mid kamid ah macalimiinta ilaalinaysa imtixaankan ayaa dhacdo ugub ku ah ardayda Somaliland kala kulmay iskuul kuyaala magaalada Burco oo la yidhaa Dugsiga Sheekh Ibraahim.

 


Ardayda iskuulkaasi ku gelaysa imtixaanka ayaa qaar kamid ahi ay macalinkii ilaalinayay ka tuuraan dhisme fooq ah oo iskuulkaasi ku yaala, macalinka ayaana laga soo tuuray dabaqa labaad, sida uu baahiyay wariye Luqmaan Maxamed Faarax.

 


Xaalada macalinka laga tuuray dhismaha ayaa lagula tacaalayaa cisbitaalka guud ee magaalada Burco.

 


Talaabadan ayaa ah mid ka fog anshaxa iyo akhlaaqda ardaynimo waxayna sumcad xumo ku tahay Ardayga macalinkiisi u gaystay isku daygaas dil .

 


Sidoo kale saaka waxa magaalada Gabilay ka dhacay banaan bax kooban oo ay ardaydu kaga cabanayeen Imtixaanka, iyagoo sheegay in la adkeeyay imtixaanka.

 


Wasaarada Waxbarashada iyo Gudoomiyaha xafiiska imtixaanka Somaliland oo iyagu dhinacooga hadlay ayaa sheegay in laxaliyay dhibaatooyin kooban oo ardaydu ka cabanaysay, guud ahaan imtixaanku usocdo sihabsami ah.

     
Loading...