Xisbiyada Somaliland oo kulan la Yeeshay Weftiga Koongarayska Maraykanka.

Friday June 21, 2024 - 08:05:08
hadhwanaag
Dhankooda xubnaha weftiga ka socda Golaha Koongarayska



Madaxda saddexda xisbi Qaran ee Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa kulan muhiim ah caasimadda Hargeysa caawa kula yeeshay weftiga ka socda Aqalka Koongarayska Baarlamaanka Maraykanka ee ku sugan dalka Somaliland.


Kulanka oo ahaa is-xogwaraysi ayaa waxaa lagaga hadlay dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ammaanka Gobolka Geeska Afrika, heshiiska is-faham ee dhexmaray dawladaha Somaliland & Itoobiya iyo xoojinta iskaashiga dalalka Maraykanka iyo Somaliland.


Dhankooda xubnaha weftiga ka socda Golaha Koongarayska ee Baarlamanka Maraykanku waxay soo dhaweeyeen iskaashi buuxa oo dhexmara dalkooda iyo Somaliland.


Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee kulankan ka qeyb-galay, ayaa kala ahaa, Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Xuseen Ciise iyo Af-hayeenka xisbiga Maxamed Axmed Bilaal.

     
Loading...