Siyaasi Maxamuud Xaashi Muxuu Ka Yidhi Khilaafka U Dhaxeeya Somaliland Iyo Jabuuti?

Tuesday July 02, 2024 - 08:42:42
Siyaasi Maxamuud Xaashi Muxuu Ka Yidhi Khilaafka U Dhaxeeya Somaliland Iyo Jabuuti?


Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ah Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Kaah, ayaa waxaa uu ka hadlay xiisada xoogan ee maalmihii u dambeeyay ka dhex taagnayd dowladda Somaliland iyo Jabuuti.

Xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti oo meel adag gaadhay maalmihii u dambeeyay, ayaa salka ku haysa kadib markii la sheegay in ay Jabuuti abaabulayso Jabhad ka dhan ah Somaliland.

Siyaasi, Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay shir uu ururkiisu yeeshay, ayaa sheegay in ay wax laga xumaado tahay hadalada xanafta leh ee ay isku jeedinayaan dowladda Somaliland iyo Jabuuti.

Maxamuud Xaashi, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa ugu baaqay inay si deg deg ah u joojiso hadalada eedaha iyo af-lagaadada ah ee ay u jeedinayso dowladda Jabuuti.

Dhinaca kale, wuxuu baaq u jeediyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukuumaddiisa, isagoo ugu baaqay inay arrimaha dejiso, isagoona sheegay in aanay Jabuuti ka filayn wax dhibaato ah oo ka dhan ah Somaliland.

Wuxuu sheegay in dadka reer Somaliland ay qayb weyn ka ahaayeen halgankii loogu jiray xornimada Jabuuti, isla-markaana ay labada shacab yihiin dad walaalo ah oo aan kala maarmayn.


     
Loading...