Muxuu Yahay Bahdilaada Lagula Kacay Suldaanka Beelaha Isaaq?.

Thursday June 20, 2024 - 18:25:01
Hadhwanaag
"Waxaana ka dhashay xadhiga siyaasigan mudaharaad ay dhigeen dadkii doonayay…"


Hargaysa (HWN) Suldaanka guud ee Beelaha Isaaq Suldaan Daa’uud ayaa sheegay in xukuumada Muuse Bahdishay.

 


"Waa La’i bahdilay oo Qarankii Aan Tuutaha U Xidhay Ayaa Laygu Qiimayn Waayay Oo Laygu Bahdilay Madaarka Hargeysa” ayuu Suldaan Daa’uud yidhi.



Suldaanka ayaa kamid ahaa masuuliyiin saaka rabay inay ku soo dhaweeyaan garoonka diyaaradaha Hargaysa, siyaasi Cismaan Cumar Dool oo xukuumada Muuse Biixi ka xidhay madaarka markii uu soo degay.

 


Waxaana ka dhashay xadhiga siyaasigan mudaharaad ay dhigeen dadkii doonayay inay soo dhaweeyaan siyaasiga la xidhay, waxaanay ciidamada Booliska Somaliland u adeegsadeen mudaharaadkaasi rasaas.

 

 

     
Loading...