Bangaladesh oo la daalaa dhacaysa qaniinyada masaska.

Monday June 24, 2024 - 13:23:28
Hadhwanaagtv
Maska nooca cuna jiirka ee loo yaqaan Viper Russell oo inta badan




Dhammaan xarumaha caafimaadka iyo cisbitaallada Bangladesh ayaa lagu amray inay kaydiyaan sunta ka hortagga qaniinyada ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaniinyada masaska ay sare u kacday.


 

Wasiirka caafimaadka Dr Samanta Lal Sen ayaa sidoo kale shacabka ku boorisay inay sida ugu dhaqsaha badan isbitaalada ugu keenaan dhibanayaasha masaska.

 

Isbitaalada ku yaal miyiga Bangladesh ayaa laga soo sheegay inay kordheen dadka ay qaniinaan masasku, gaar ahaan nooca Maska Viper Russell, kaas oo laga helo Koonfurta Aasiya.

 

Dhacdooyinkan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ahaa mawduuc aad looga hadal hayay baraha bulshada ee Bangladesh.

 

Maska nooca cuna jiirka ee loo yaqaan Viper Russell oo inta badan laga helo meel u dhow degsiimooyinka Aadamaha, iyo dhulka beeraha gaar ahaan xilliga beeraha la goosanayo ayaa ah kan ugu badan ee dadka qaniina.

 

Daraasad la sameeyay 2023 ayaa lagu sheegay in ku dhawaad ​​7,000 oo qof ay Bangladesh ugu dhintaan qaniinyada masaska sanad walba. Inta badan dhibbanayaashu way badbaadaan haddii si dhakhso ah looga daweeyo sunta ka hortagga qaniinyada.

 

Viper-ka Russell ayaa lagu dhawaaqay inuu dabar go’ay Bangladesh sanadkii 2002-dii balse hadda waa uu soo noqday.

 

Saynis yahanadu waxay rumaysan yihiin in Maskan oo inta badan ku nool meelaha qalalan uu la qabsaday xaaladaha cimilada ee kala duwan, waxaanu hadda ku faafay in ka badan 25 degmo oo Bangladesh ah.

 

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in qaniinyada masaska ay ka mid tahay cudurrada dalalka kulaylaha ee sida aadka ah loo dayacay, isla markaana ay muhiimad gaar ah la siin wax ka qabashadooda.

 

 

     
Loading...