Markab Ingiriisku lahaa
oo la odhan jiray Mary Ann ayaa ay reer Berbera ku weerareen xeebta Berbera
sannadkii 1825-kii.
Markabku wuxuu siday
alaabooyin ganacsi oo uu doonayey inuu Berbera u iibkeeno, hasayeeshee reer
Berber oo aan xidhiidh ganacsi oo weyni ka dhaxaynin Ingiriiska ayaa faragelin
u arkay oo cagta mariyey markabkii. Waxa ku dhintay laba ka mid ahaa
shaqaalihii markabka. Laba sanno ka dib sannadkii 1827-kii ayuu Ingiriisku soo
diray 240 askari oo saarnaa saddex doonyood si ay reer Berbera u bixiyaan
mag-dhawgii wixii ay boobeen iyo dadkii ay laayeen.
Mid ka mid ah
dooniyihii ay ciidamadu saarnaayeen ayaa rasaas nool ooda kaga qaaday
dooniyihii xeebta taagna, si xeebta looga yaaco oo Berbera loo go’doomiyo.
Habar Awashii degnayd Berbera markay arkeen awoodda ciidan ee la dul-dhigay,
waxa ay qaylo-dhaan u dirteen wixii Habar Awal ahaa ee daganaa dhulka xeebaha
ka fogaa. Ciidankii gurmadka ugu yimid waxa uu xoogiisu ka yimid Galbeedka
Hargaysa iyo Oogada Hargaysa. Reer Looge (waa jilib ka tirsan Sacad muuse),
ayaa keenay ciidanka badan, wixii fardo saarnaa way dhaqaaqeen, intii kalena
way lugeeyeen.
Intii lugta maalaysay
way ordayeen dhulka xeebta ah, iyaga oo isku dhiiragelinayey weedha caanka
noqotay ee ahayd " Daalaa Looge Kama Dhalan.” Maadaama oo ay dhul xeeb ah
ordayeen in badan ayaa u dhintay Haraad iyo oon, ileyn maaha niman aqoon u leh
dhulka xeebaha.
Ciidankii soo gurmaday
ayaa gaadhay deegaanka Adhi-caddayso oo Berbera ka xiga dhinaca galbeed,
halkaasi waxa soo gaadhay 2,000 oo dagaalyahan oo isugu jira kuwa fardo saaran
iyo kuwa lug ku yimid. Ka dib Berbera ayaa la isku shubay, ciidankii Ingiriiska
iyo dagaalamayaashii Habar Awal ayuu dagaal qadhaadhi dhexmaray.
markuu dagaalku muddo
socday ayuu joogsaday oo la heshiiyey.
Tixraac: Axmed Aw
Geeddi……Hortay Jire (2022)..bogagga..45-46.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!