Adhi Daasad Kama Il-baxo ( Abdi Shotaly).

Tuesday September 17, 2024 - 15:50:14
hadhwanaagnews
* N.B Dhalan-teed Xareed Waw Eg-yahay, Dheeha-Shadda Guud!

Waxa la yidhi "Lax weliba shilalka ay is dhigto baa lagu qalaaye" Wax kaste oo ummadan ku dhaca, inaka baa isugu wacan, denbi-geedana leh. waayo waxa askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay ugu jirta faa'iido, ah is nacsiin-tiina uu kolba laba beelood iska hor keenaayo, waayo waa arin u sii seeto dheeray-naya, idin-kana la idinku kala xadaayo, oo kolba beel hoosta la soo gasha-naayo, marka uu ka dhamaysto-na, ee uu dan-tiisa ku gaadho-na, uu mid uu awel hore dhabarka u jeediyey, doonaayo in uu ku dhoolo tusto, bal hadda tusaaloo-yinkan aan hoos ku qori doono ila akhriya, adba waad yaabi doon-taaye. waxa meesha taala murtidii ahayd " Haddii aynaan qolo ku foognayn ama dhiig faraha darin, waanaan fadhiyi karin" Markhaati-giina waakan:-
(a) Gobolka Awdal oo uu markii ugu dmambaysay ka soo noqday, waxa uu foodda isu soo geliyey Samaroon, oo kuwii hore ula socday, intuu baal ka maray, kuwii ka soo hor jeeday uu imika damcay in uu ku garaaco.
(b) Beesha Bali-gubadle, iyana laba qaybood buu u kala fadhii-siyey, oo uu foodda isugu maray, si wacana u rabaa in uu iskaga hor keeno, ilayn maalin-ba meel buu ka fad kudi-yaaye.

(c) Gobolka saaxil, isna qaar buu faquuqay, Ilayn waa u caadi in uu beelaha wadda dega kolba in sinta saaro'e, inta kale-na uu qaar-ba-qaar ku diraa, inta jeer ee uu bello ka dhex qarxiyey beello tiro ma leh.
(d) Gobolka Gebiley, oo ahaa uh-dda uu askarigu ku dhaato, iyana waad la socotaan halka xeel-keedu maraayo, taas oo qarka u saaran in ay iyaka ka dhex qaraxdo jifo-jifo, markii uu u kala saaray mucaarid iyo muxaafid, meel kale-ba iska daayoo, boobka uu ku qaaday xataa beesha uu ka soo jeedo, ee uu maatadda balood-balood uga qaadayo xoog sheegasho ah, ahna kuwa ugu badan ee uu boobka indhaha la' gebi ahaan-ba ku qaaday, muwaadin idin-kama qarsoona( Buurta kala jeexan in ka badan 600 oo qoys buu rasaas iyo laad lagala daalay, oo debedda loo qubay, guriyihii cagaf la geliyey, masaajidaddii dhulka lala simay.
(e) Gobolka Togdheer, waad arkay-saan waxa ka socdda, in kuwii la isku diri jirey markii arkeen siday askartu wax u wado ay gebi ahaanba dhabarka u jeediyeedi-yeen, oo damcay in uu dhaqan-kiisii caadiga ahaa ku kala eryo, wakhtigan wuu ku saaqiday, oo u socon wayday malahii beenta ahaa ee" Qaybi oo xunkun" Hal daba la' bay ummadu u ogaadeen wuxu la soo socdo, isna arag in aanay sheeka-daasi shaqaynayn markan, ee muxuu la iman doonaa? Waxay bello ka taagan tahay, oo uu hadda wadaa wixiisii xilka lahaa, hore buu colaad u dhex dhigay aan jirin H.Jeclo Iyo Garxajis, Akhristaw markii H . jeclo ogaatay in uu isku lisaayo ee ay ka baydhay, baa iyadda oo aanay ka dhab ahayn, uu siddii mid naf u wadda, kuna khiyaamay-naayo Garxajiska Togdheer, uu doonayaa in uu shaadh kale u gashado, kaas oo ah idinka baan idinku bedelayaa H.Jeclo, iyaka oo ay gadh-wadeen ka yihiin, daaquud-yadda uu cad-quudheedka u tuuraa ( waa kuwa uu reerka u maqaar saaraye). Wuxu ku beer-lawasanayaa been aan geed-na loogu soo gaban, oo ah " Wadadda isku xidha " Burco-Oodweyne-Hargeisa" baan idiin dhisayaa, Taas oo haba-yaraatee aanay wax-ba ka jirin. Waxan uga digayaa Beesha Burco galbeed in uu yahay kii ku faanaayey askarigu " Anigoo wax dili kara, duco qaadan-maayo" ee Geeliina ku qanqanii-naayey Oodweyne isaga iyo geenyo-shaaximani, wax uu idiin soo wadaa meesha ma taallo, ee iska qabta, afarta jifo kaste uu ka wato, ee magaciina ku shaqaysta, wax ay idin taraan daayo, wax yeello uun idiin la soo taagan iyo in ay kolba beel isku kiin dhuf-taan, hawl kale oo ay hayaan ma jirto, iyaka waxa u dan ah, mushahaaradda iyo xadista hantidda ummadda ee ay ka dul-qaadayaan kolba halka loo xil saaro.

Adhi daasad kama il-baxo baa la yidhiye, goor-maad baran doon-taan? Isku dhufa-shadda la idinku wado hadh iyo habeen. ee kolba laba madaxa la isku kiin gelinaayo? Mar uun fekera ummad yahay, oo waxad is weydiisaan. halkuu dhigay beeshii u codaysay ee H.jeclo? Muxuu u qabtay ee la taaban karaa maanta? Maxaa iska hor keenay ee lagu kala booday? Haduu cid wax u taraayo ama u qabanaayo, oo uu abaal leeyahay iyo garasho hagta, saw may ahayn iyaka kuwii ka mahad sheegan lahaa? Ma idinka ( Waa Garxajise) oo ah maah-maah-dii ahayd " Laba Bide Beerka Iska og" buu naxariis idiin hayaa. Waxan ku soo gabga-beeyey, waa la idinku dhoola-tusanayaa ( Show off), ee yaan shaadh kale la idiin soo gashan, Ilaah ha u naxariisto'e, Abwaan qaasim baa laga hayaa " Dhalan-teed xareed waw eg-yahay, dheeha-shadda guude" Waa sidaas wax aan soconayn yaan la idinku khawaysiin, oo beentii ah uu ku rogay H.Jeclo. Horaa loo yidhi daayeeraw qadhaab ka waran, oo uu ku jawaabay " Tun-kayga iyo tagoogay-ga ka eege, reer walbaw-ba ku taamilo qaado H.Jeclo ta lagu sameeyey, oo meel iskaga xidha, yaanu idiin la iman is bihin-bihin iyo maslaxasho hoosta ka qaawan. oo yaanu mar kale kaadhka idiinka marsan.

* N.B Dhalan-teed Xareed Waw Eg-yahay, Dheeha-Shadda Guud!

Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...