DEG DEG Shil Gaadhi Oo ka Dhacay Buurta Sheekh

Monday September 16, 2024 - 18:51:34
hadhawanaag
Shilkan dhimashada iyo dhaawaca gaystay ayaa yim
May be an image of 2 people, car, van and ambulance


Alle haw naxariiste Hal Askari ayaa ku geeriyooday halka ay 4 Askari oo kalena ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay Jidka u dhaxeeya Burco iyo Sheekh.

Askartan ayaa ka tirsanaa ciidanka Ilaalada Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland kuwaasi oo u socday hawlo shaqo oo ay kamid yihiin sahaminta goobaha cod bixinta ee gobolada Bariga.

Shilkan dhimashada iyo dhaawaca gaystay ayaa yimi kadib markii ay isku dhaceen gaadhiga ciidanka Booliska iyo Bas kuwa rakaabka qaada oo ay leedahay shirkadda Bari iyo Galbeed.
May be an image of tree
     
Loading...