Todobadii Sano Aynu Soo Dhaafnay Maxaa Dhacay, Todobada Sano Ee Soo Socda Maxaa La Filayaa.

Friday September 13, 2024 - 13:41:30
hadhwanaagnews
Somaliland Oo Midawda Ayaa Soo Noqondoota.


Dunidan Aynu Joogno Horimarkeedu Wuxuu Hore Ugu Socdaa Ama Dib U Dhac Sida Kolba Maskaxda Loo Isticmaalo Ee Loo Maalo Ee Fikirka Looga Shaqaysiiyo Iyo Ta Labaad Oo Ah Sida Looga Faaiidaysto Waxyiga Binu Aadmiga Xagga Rabbi Uga Soo Degay Ee Tusay Sida Nolosha Loo Horuumariyo Fikirka Looga Midho Dhaliyo Ifka Iyo Aahkiradaba.


Dad Badan Baa Oo Maan- Gaaba Is Odhanaya Gaaladuba Waa Kuwaa Iyagoon Aakhiro Dan Ka Lahayn HoruumarayMuslimiinta Oo Allah Caabudaana Waa Kuwaa Dib U Dhacay -Sidaa Arinku Maaha Gaalada Horuumartay Waxyiga Xagga Faaiidada Way Ka Isticmaalaan KanaBartaan Fikir Geliyaan Iyo Waxbarasho Dheer Waanay Manaafacaad Sadaan Adduunka Dushiisa Laakiin Waxay Diideen Cibaadada Allah Iyo Aakhiro Laakiin Ifka Waxyiga Xagga Rabbi Ka Yimi Way Ka Faaiidaystaan Goor Walba Si Joogta Ah Cilmibaadhistoodu Waana Arimaha Ay Kaga Horeeyaan Muslimka Maanta.


 

Haddaan Maqaalkaygan Usoo Gonda Dego Sida Uu Cinwaanku Sheegayo Somaliland Tan Maanta.

 

Todoba Sano Ayuu Mudane Muse Biixi Iyo Koox Ku Nabani Hogaaminayeen Dalka. Dhacdooyin Xun Xun Ee Wadanka Ka Dhacay Waxaa Ay Gaar Ku Yihiin Dad Aad U Tiro Yar Oo Muse Hogaamiyo Khasnaddana U Hayo ,Anigu Rayi Ahaan Waxaan Qabaa Xisbiga Kulimiye Oo Dhami Inaanay Dembiga Wada Lahayn Sidii Ee Shaqaale La Diro Uun Yihiin Sidii Kuwii Afweyne Xukuumadiisii U Shaqayn Jiray. Waxay Ka Dhigantay Bahalka-Hoose Khatartiisu Waa Madax Oo Qudha Isagaana Madaxa, Sunta, Miciyaha, Naftiisa Iyo Doonistiisu Ku Keli Tahay Intiisa Kale Xitaa Haddii Laga Jaro Waxba Uma Noqdo. Xisbiga Hadduu Maanta Wada Eryo Waxba U Noqonmaayo.

 

Todobadii Sano Ee Aynu Soo Dhaafnay Maxaa Uu Muse Sameeyey:

 

1- Dhaqaalihii Iyo Lacagtii Buu Meel Ku Handaraabtay Oo Ay U Taal, Waa Sababta Sicir Bararku Xadhkaa U Goostay.

2- Suuqii Waaheen Buu Gubay Uu Weliba 13million Kaga Helay Farmaajo.

 

3- Muran Iyo Meeraysi , Baabiin Commissionkii Doorashoooyinka Ee Hore , Dorashadii Uu Diiday Isaga Iyo Suleiman Gaal, Xusbiyadii Qaranka Oo Uu Yidhi Waan Baabiyey Oo Arintii Gacanlibaax Ka Dhalatay.

4- Reer Sanaag Bari Oo Uu Eryey Oo Yidhi Waxayagaa Cuntaan Kuwa Kalena Waan Idinka Dabakeenayaa. Reer Sool Iyo Laascaanood Uu Dagaal Ku Boobay Kana Daba Geeyey.

 

5- Ciidankii Iyo Dhaqaalihii Somaliland Uu Jebiyey Welina Ku Baaqay Inuu Dagaal Ka Dherginayo.

 

6- Markuu Somaliland Jebiyey Uu Ethiopia Iska Dhiibay Oo Yidhi Wadanka Bad Iyo Berri Waxka Qaata Oo Ah Sababta Awdal Uu U Ruxayo Si Uu Ethiopia Ugu Sii Gogol Xaadho Qaadashada Awdal.

 

7- Jabouti Oo Uu Labada Dhegood Gawrac Ugu Simay.

8- Shacabkii Reer Somaliland Oo Kala Badh Uu Leeyahay Ethiopia Uma Ogola Inay Badda Cas Wax Ka Hesho Oo Waa Cadawga Gudaha.

Caruurtii Garxajis Oo Si Badheedha Suuqa Ugu Toogtay Oon La Iskaga Hadhay- Kuwii Wax Tooganayey Lawada Garanayo.

 

Waxaa Iyo Wax Kale Oo Soo Socda Ayuu Muse Biixi Faraa Kula Jiraa Doonayaana Inuu Ka Midho Dhaliyo Waalidiisa Haddii Todoba Kale La Doorto.

 

Haddii Mx. Muse Biixi Doorasho Lagu Rido ,Todobo Shay Oo Khayra Baa Dhicidoona.

 

1- Walaaladeen Reer Somalia Si Fudud Ayey Wadanka Isagu Darray Oo Bilaa Shuruuda; Walaalnimo Somaaliyeed Kamana Horeyn Kamana Ficilkaa Ay Reer Somaliland Sameeyeen Si Fudud Baynu Uga Heli Doonnaa Kala Noqoshada Inta Aynu Dawladnimada Soo Baranayno.

 

2- Somaliland Oo Midawda Ayaa Soo Noqondoota.

 

3- Xabashi Oon Wadankeena Xoog Baanu Ku Heli Bad Ay Berri Oo Beeneebi Ayaa Soo Bixi Doonta.

 

4- Jabouti Oo Muse Iyo Abi Ahmed Gawraceen Oo Koma Ku Jirta Ayey Dib Soo Noolayn Oo Walaalaheen Ah.

 

5- Cadaw Gudo Iyo Been Baa Hadhi Doonta Iyo Siyaasadda Calancasta.

 

6- Dhaqaalaha Lagu Ciyaaro Ee Lagu Dhaanteeyo Ayaa Dadweynaha Ku Soo Laaban Oo Sicir Bararka Ayaa Hoos U Dhici.

 

7- Wasiirada Caytan Loo Magacaabay Ayaa Waxay Ahaayeen Dib Ugu Noqon.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

Qoraa M Bashe.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...