Qofka Soomaaliga ah ee weli dagaal qorsheysanaaya Maxaa ka qaldan? Sayid-Cali Nuux

Thursday September 05, 2024 - 11:40:35
Hadhwanaagtv
Khatarta sadexaad baa ah gacmaha iyo loollanka shisheeye...




Qofka Somaliga ah ee manta qorsheeyay in dagaal cusub la galo oo dhul nabad ah laga bilaabo waa bilaa caqli. Madaxiisa waxba kuma dhex jiraan.
Ujeeddooyin kala duwan ha lahaadaane garashadoodu waa isku mustawe.

Dagaalka xilligan la galaa waa mid ka khatar badan oo ka natiijo xun wixii hore loo galay. Sabab?
1- Colaadihii hore badi horjoogeyaal qabiil baa hoggaamin jiray. Qabiilku (iyo hoggaanka beeshu) qiyam bay lahaayen. Ninka adkaadaa wax buu dhaafi jiray.

Birmageydo ayaa jirtay. Kollayba Somaliland iyo inta la deriska ah oo bari iyo Koofur galbeed ka ah. Waa intii geela iyo gammaanka kala qaadi jirtay.

Xilligan dhaqan guur baa dhacay oo dadku mooryaan buu noqday. Tusaale; ciidankii Somaliland ee anshaxa iyo usluubta badnaa dhaawac akhlaaqeed baa gaadhay intii Muse Bihi taliye ka noqday. Muddodii dagaalkii Lascanod waxa la shaaciyay hadallo iyo ficlado aan anshaxii iyo discipline-kii ciidanka waafaqsanayn. Tusaale inammo tuutaha Somaliland gashan baa markii u horreysay si qabiilnimo ah u maagay reeraha isugu so gurmaday dirirtaas.

Dhanka kale rer Lascanod iyo gurmadkii haybta ugu yimi, oo taariikhda ahaan jiray kuwo dhaqan suubban iyo gobanimo lahaa, ayaa xilligan caadaystay in ay hilbaha maydka jarjaraan ama dab qabadsiiyaan oo isku sawiraan.

Labadaas ficladood ee ciidankii Somaliland iyo kacdoonkii la diriray waxay muujisay in Somalidu mooryaan isugu baxday oo ay kuwii is bidi jiray maanta ugu akhlaaq xun yihiin. Sidaa marka ay noqotay nin kastow filo in dagaalku noqon doono mid mooryaanaysan.

2- Argagixiso;

Waagii hore ma jirin ururro caqiida gurracan iyo fikrado xambaarsan oo colaadda Somalida dhex qaaday, marka laga reebo Daraawiish.
Daraawiish iyadu ma ahayn mashkilad caalami ah, degaankii laga asaasayna muddo kooban buu ka ga noqday oo ka dagaallay (Burco) Sidaa darteed way ka halis yaraatay kuwa casrigan.
Xilligan kooxaha nabad-diidka ah ee webiyada joogay rag ay taba bareen baa jooga. Raggaasi marka ay ku doodayaan "Ceerigaabo ayan u soconaa" anigu uma fahmin in ay dan qabiilo wadaan.

Somaliland oo ahayd meesha keli ah ee ka badbaadday kooxaha halista badan khiddadda ay ku so geli kareen wa in ay colaaddii Sool so dhex raaceen.
Dabcan in ay reer isu ekaysiiyaan oo xataa jabhadda reerka ka dhinac diriraan maslaxad bay ka arkeen. Haddi ay beedka/ugxanta dhigtaan buuraleyda Sanaag, sanado badan cidi ka saari mayso inta midka ugu danbeeya bakhtiyayo.

3- Khatarta sadexaad baa ah gacmaha iyo loollanka shisheeye oo ka geddisan sidii u ahaa 1980 ama 1990aad kii.
Manta quwado African, rer Europe iyo Bariga dhexe leh ayaa ku dhex herdamaya oo kooxo hubaysan "paramilitary forces " ka samaystay.

Afduubka laftiisa dawlado ayaa shidaaliya, waana macquul dawlado ay xataa maamullada Somalidu ka mid yihiin in ay u sahlayaan in ururkaasi Somaliland dhuunta u fadhiisto.

Arrimahaas dartood colaadda la huriyay si fudud uma dami doonto.
Kuwa hurinaya wax badani gacan ugu ma jiraan, mar asn fogaynna waxba ku ma yeelan doonaan.
Tusaale garaaddadu kal hore dagaalk iyo nabadba way ku dhawaaqeen.
Manta xogo macquul ah baa sheegaya in ay xataa nabad isku raacibwaayen. Marna waxaaba so baxaysa in ay cabsi ka qabaan wiilal hubaysan. Berigii SNM dhulka qabatay wax so baxay wiil daayday (mooryaan) ah oo aan sarkaalkii fiicnaa ka amar qaadan balse ka amar qaataykuwa dhulboobka ah sida ragga talada haya.
"Halgankii" rer Sool wax uu u khasaaray sida "kii" SNM.

Odhaah Carbeed baa ahayd
(لا تفتح بابا يعجزك إغلاقه)


Sayid-Cali Nuux
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...