Wasiir Kaahin: "Somaliland oo kaliya waxba kama qaban-karto ilaalinta badda cas"

Monday September 23, 2024 - 22:36:49
Wasiir Kaahin: "Somaliland oo kaliya waxba kama qaban-karto ilaalinta badda cas"
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu soo bandhigay xidhiidh uu sheegay in ay ka dhaxayso Xuutiyiinta Yemen iyo ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland oo u warramay Telefishanka Al-Carabiya ee laga leeyahay dalka khaliijka carabta, ayaa sheegay in labadan kooxood ay khalkhal gelinta amniga gobolka Geeska Afrika iska kaashanayaan.

Wuxuu sidoo kale maamulka Soomaaliya ugu baaqay in ay doorkeeda ka qaadato waxka qabashada xidhiidhka dhexmaray labada kooxood.

Wasiirka, ayaa baaq culus u diray Beesha Caalamka, isagoona ugu baaqay in ay doorkeeda ka qaadato xakamaynta dhaqdhaqaaqyada labadan kooxood, oo uu sheegay inay khatar ku yihiin ganacsiga gobolka.

Waxaa kaloo uu ugu baaqay Beesha Caalamka in aan Somaliland lagu halayn amaanka marinka Badda Cas.


     
Loading...