Sidee Isaga Ilaalin Kartaa Qaniinyada Kaneecada?

Saturday July 15, 2023 - 08:57:08
Hadhwanaag
''Qubaradu waxay sidoo kale ku taliyeen inaad isticmaasho cad yar oo baraf ah.''


 


Kaneecada waxay la socotaa xiliyada sanadka. Inta badan waxay ku xiran tahay imaatinkeeda isbeddelka hawada sida kuleylka, qabowga iyo roobka.

 

Qubaraada qaar ayaa aaminsan in marka aad aadka u kulushahay oo aad dhidideyso ay suuragal tahay in kaneecada ku soo raadsato oo ku qaniinto.

 

Kaneeada waxay inta badan weerarta dadka xiliyada fiitkii iyo waabariga, waxayna inta badan dadka ka qaniintaa jilibka inta ka hooseysa, marka waa inaad xirataa dhar lugahaaga ilaa iyo cagahaaga daboolikara si aysan kuu qaniinin kaneecada.

 

Qubaradu waxay sidoo kale ku taliyeen inaad isticmaasho cad yar oo baraf ah. Ha xoqin halka ay kaa qaniinto kaneecada.

 

Si aad u yareyso cuncunka, xanuunka iyo bararka ay keento qaniinyada kaneecada waxaad marin kartaa halka ay kaa qaniintay kareemka loo yaqaan antihistamine.

     
Loading...