DEG DEG Fowsiya Yuusuf ma waxay isaga hartay tartankii ay ugu jirtay Kursiga hoggaanka Midowga Afrika?

Sunday August 11, 2024 - 16:45:26
hadhwanaagtv
Kadib qoraalka ay soo daabacday ayay dadku siyaabo kala duwan...


.


Qoraalka ay barteeda ‘X’ ku daabacday Fowsiya Yuusuf ayay ku sheegtay in ay taageero la garab taagan tahay Raila Odinga, musharraxa xilka gudoomiyaha Midowga Afrika, guulna u rajeynayso.

 

Warkaas ayaa dadka qaar ee isticmaala baraha bulshada waxay u fasirteen in ay iskeed u tanaasuleyso Fowsiyo.

 

"Waxaan u rajeynayaa inuu ku guuleysto dadaalkan muhiimka ah. Intaa waxaa dheer, waxaan rabaa in aan u muujiyo mahadnaq iyo bogaadin aan la soo koobi karin oo aan u jeedinayo dhammaan dawladihii iyo shakhsiyaadkii taageeray musharaxnimadayda goor hore.” ayay qoraalka ay soo saartay ku tiri Fowsiya.

 

Qoraalka ayaa waxaa la socday sawir ay kula jirto Raila Odinga oo kamid ah musharaxiinta u tartamaya kursiga hoggaanka Midowga Afrika.

 

Balse BBC da ayaa waxay ogaatay in Fowsiyo aysan tanaasulin ee uu ka dhacay waqtigii ay ku soo gudbin leheed arjiga musharraxnimada.

 

Kadib qoraalka ay soo daabacday ayay dadku siyaabo kala duwan uga falceliyeen, iyadoona dadka qaar ay u fasirteen in ay Fawsiya kursiga iskaga tanaasushay, tanina ay muujineyso qanaaco ka muuqata Fowsiya.

 

Maxaa ka jira in Fawsiya ay iskaga hartay tartankii ay ugu jirtay Kursiga hoggaanka Midowga Afrika?

Xog ay heshay BBC-da ayaa sheegeysa in Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan aysan iskaga harin tartankii ay ugu jirtay kursigaan, taa badalkeedna siyaabaha kursigaan ka reebay ay tahay diidmo ay kala kulantay dowladda Soomaaliya sida ay ku sheegtay war saxaafadeed ay qabatay bil ka hor.

 

Dhanka kale xogta ayaa sheegeysa in qoraalka haatan ay barteeda ‘X’ ku daabacday Fowsiya ay ka dhigantahay taageero ay u muujineyso musharax Raila, kaas oo olole xoogan ka dhexwada dalalka Afrika, maadaama haatan aysan haysan fursad ay iyadu tartan ku gasho.

 

Fowsiya ayaa sida ay horay u sheegtay kursigaan u tartantay sanadkii 2016 kii, balse ay isaga hartay tartanka maadaama dawladii xilligaasi ay ka codsatay in ay isag harto tartanka. BBC da ayaa si madaxbanaan u xaqiijin karin sheegashada Fowsiya

 

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya ayaan qayb ka noqon doonin tartanka loogu jiro kursigaan, maadaama lixdii bishaan Agoosto ay ku ekeyd gudbinta araajida musharaxiinta.

 

Kursigaan ayaa waxaa ku tartami doona musharrixiin dhawr ah.

 

Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa horay u shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika.

 

Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona.

 

Muxuu Soomaaliya uga dhignaan lahaa hadii Fawsiya tartanka ku jiri lahayd?

Kulankii 44-aad ee Golaha Midowga Afrika ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa.

 

Soomaaliya oo dhawaan ku biirtay dalalka bariga Africa ayay suurtagal u ahaan lahayd in ay ku guuleysato hogaanka kursiga, iyadoona musharax Fawsiya ay ka dhawaajisay in ay ku guuleysan kartay marka loo eego fursadaha ay u heysato.

 

Fowsiya oo kaddib marka ay shaacisay inay u tartameyso xilkan wareysi gaar ah siisay BBC-da ayaa sheegtay in ololaha musharraxnimada uu meel fiicna u marayo, isla markaana jagada haatan ay leeyihiin dalalka Bariga Afrika oo ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay.

 

"Hadda aniga iyo Raila Odinga ayaa sharraxan oo musharraxnimadeenna shaacinnay, inkastoo ololuhu billow yahay, lama oga cidda kale ee nagu soo biiri doonta” ayay tiri.

 

Goorma ayay dhaceysaa doorashada kursiga bariga Afrika?

Doorashada jagada hoggaanka Midowga Afrika ayaa qabsoomeysa bisha Febraayo ee sanadka soo socda ee 2025, inta lagu jiro shirweynaha midowga Afrika.

 

Codadka lagu guuleysan karo ayaana ah in musharaxu uu helo ugu yaraan saddax meelood laba meel dhamaan tirada guud ee madaxda codeeneysa.

 

Musharaxiinta gudoomiyaha ah ayaana ka imaanaya dalalka Bariga Africa, halka ku xigeenkiisa uu si toos ah uga iman doono Waqooyiga Afrika.

 

Kursigaan oo ah mid wareega ayaa laga yaabaa in muddo badan Soomaaliya aysan dib u helin fursadan oo kale.

BBC/SOMALI
     
Loading...