Dalka aduunka loo majeerto hanaanka dimuqaraadiyada oo loo arkey in uu xal u yahay hogaaminta ummadda si looga badbaado kalitaliska iyo talo maroorsigu oo ah USA haddana wuxuu leeyahay xayndaab iyo xeerar adag oo xadida nidaamka ay qaateen tusaale;
Doorashada maraykanka ee madaxweynaha codka dadweynuhu ma soo saaro madaxweynaha si toos ah , waxaaba dhacday dhawr goor qofkii helay codkii ugu badnaa ee dadweynuhu in aanu madaxweyne noqon sida;
Sanadkii 2000 oo Bush iyo Gore dadku waxay doorteen Gore madaxweyne na waxa noqday Bush , sidoo kale sanadkii 2016 codkii dadweynaha waxa heshay Hillary Clinton laakiin waxaa madaxweyne noqday Donald Trump.
Arimahani waxa qeexaya xeerka doorashada iyo dastuurka dalka maraykanka, markii aan tix raacay sababta waxay noqotay in dadkii seeska u dhigey dalkaasi aanay ku kalsoonayn dimuqaraadiyada waxaanay u raadiyeen xakame adag si looga badbaado fowdo.
YAA GO'AAMIYA DOORASHADA MADAXWEYNAHA MARAYKANKA?
Dalka maraykanka 5 sanadoodba mar waxaa la doortaa wakiilada dadweynaha aqalka hoose oo tiradoodu dhan tahay 435 mudane ( Congress) sidoo kale 6 dii sanadood waxaa la doortaa mudaneyaasha aqalka sare ( senators) oo gobolada maraykanka tiro siman kaga yimaada magacaabis, gobol waliba laba mudane tiradooduna dhan tahay boqol 100, inkasta oo labadii sanoba mar sadex meeloodoow meel doorasho la galiyo.
tiradan 435 Congress + 100 senators = 535 iyo ilaa 3 mudane oo kale oo qaar caasimadu leedahay , markaa doorashada madaxweynaha marka codka dadweynuhu dhaco ( popular vote ) ma go'aamiyo qofka madaxweyne noqonaya laakiin bil ka dib ayey 538 electoral college u codeynayaan madaxweynaha waana in uu helaa 270 electoral college qofka madaxweynaha noqonayaa.
dastuurka maraykanku wuxuu sheegayaa in madaxweynuhu ku soo baxayo electoral college, awoodaha kale ee ay leeyihiin waxaa ka mid ah waa awooda ay ku fadhido laanta xeer dejinta maraykanku oo ah tiirka sadexaad ee dawladnimada oo leh awoodo buuxa oo adag.
DHANKA NOLOSHA & NOOLAANSHAHA 1:2
Halista ka timi hanaanka dimuqaraadiyada loo yaqaano waa inay noqotay caqiido kale oo dad noloshooda ku sargooyeen oo lid ku ah diimaha iyo waxii dadku hore u caabudi jireen waxaana loo yaqaanaa ( liberal democracy) , waa in qofku doonistiisa shaqsiga ah ku socdo oo aanu jirin wax xidhaya ama wax u diidayaa.
Waxaa halkani ka yimi arin weyn oo xisbiyada maraykanka ee waaweyni ku kala duwan yihiin oo ah dadka doonistooda ha loo daayo oo xisbiga dimuqaraadigu aaminsan yahay halka xisbiga jamhuurigu aad arimahaa uga soo horjeedo oo uu leeyahay dadka yaan la fadareyn e diimahooga iyo waxay caabudaan ha lagu shaqeeyo oo ha loo raaco.
DHANKA DHAQAALAHA 1:3
Dhinaca dhaqaalaha waxaa la isla ogol yahay in suuqyada ganacsigu xor ahaadaan iyo ganacsatadu laakiin axsaabta maraykanku waxay ku kala aragti duwan yihiin oo dimuqaraadigu waxay leeyihiin qofka wax haysta uun dawladnimadu uma dhisna e waa in dadka dabaqada dhexe iyo danyartu helaan adeegyo dawladeed maadaama aanay noloshoodu aheyn mid isku-filaansho dhameystiran ah.
Halka qolada jamhuurigu aaminsan yihiin in dhaqaale badan la galiyo lacag layda , bangiyada , ururada ganacsiga iyo wershadaha si dhaqaaluhu u kobco oo miisaaniyada iyo wax soosaarka dalkuba kor u kaco.
Markaa waxa ii soo baxay in nidaamyada maamul , ganacsi , dawladeed , doorasho ee aynu dunida ka qaadanay waa in aynaan isku haleyn ee uu jiraa wax ina kala badbaadinaya , inoo dhawraya dhaqankeena , diinteena , deegaankeena iyo nolosha aynu la deriska nahay.
Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed
Mohamed Dhimbiil
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!