10. Sidee U Xakameyn Kartaa Caradaada?

Monday September 30, 2024 - 10:29:55
Hadhwanaagtv
4. Ka Fogow Meelaha Kugu Abuuri Kara Caro:



Daraasad ay sameysay jaamacadda Yale ayaa sheegtay in qofka si fudud u carooda uu halis badan ugu jiro dhiigkarka iyo wadne istaaga. Daraasad kale oo ay sameysay jaamacadda IOWA waxay tilmaamaysaa in afar meelood meel ay ragga xanaaqa badan halis u yihiin geerida degdegga ah, ayagoo hal mar iyo bar kaga halis badan ragga kale. Cilmi-baarayaasha ayaa ku baraarugay, in ay ku soo badanayso dadka carooda dhexdooda khatarta geerida degdegga ah, waliba si gaar ah ugu badan tahay dadka sida fudud u carooda. Waxayna diraasaddan ay ka qayb qaateen 1300 oo qof, oo ay da’doodu ka hoosayso 30ka tilmaamtay; in xanaaqu jibbaaro khatara in qofku ku dhaco wadne xanuun.


Caradu waxay halis ku tahay caafimaadkeena iyo nolosheena, waxayna keeni kartaa dhibaatooyin maalinle ah. Waxay naga hor istaagtaa inaan gaarno yoolalkayaga, sababtoo ah, markasta oo aan xanaaqno, waxaan luminnaa fursado, waxaan dhaawacnaa dadka aan jecelnahay.


Aniga oo arrintan ka duulayana, waxaa halkan ku xusan talooyin ku saabsan sida loo xakameeyo ama loo maarayn karo carada:


1. Xal Degdeg Ah U Hel Dhibaatada:


Adeegso aragtida dhiqidda weelka! Saxanka aad cunnada ku cuntay horay ka dhaq, haddii aad ka daahdo, cuntada ayaa ku dhagaysa oo hadhow ayay kugu adkaanaysaa inaad ka mayrto, markaas ayaa dhibaato iyo wahsi kaa qabsanayaa, inaad xanaaqdana waa suuragal. Sidoo kale mar Alle markii aad dareentid caro, qabo shaqooyin fudud oo kaa mashquuliya in xaalku sii cakirmo. Waxaana wanaagsan inaad la hadasho qofka kale si xaaladda loo dejiyo inta aysan dhibaato wayn noqon.


2. Qor Dareenkaaga:

Qoridda dareenkaaga iyo caradaada waa hab wanaagsan oo aad ku xakameyn karto. Haddii aad isku dhacdaan lammaanahaaga, walaalahaa ama saaxiibadaa, halkii xanaaqaagu saamayn lahaa xiriirkiina, waxaad ku wareejin kartaa caradaas warqad ama qaybta qoraalka ee taleefankaaga. Waa hubaal marka aad dareenkaaga ku cabbirto qoraal, inuu yaraado cadaadiska kaa soo gaaray caradaas.

3. Tanaasul:

Haddii qofka kula doodaya hadalkiisu qaylo noqdo, kuuna muuqato in xaaladdu ka sii dareyso, ka cudurdaaro in wada hadalkaas aad daraf ka sii ahaato. Qayladu khayr ma soo hoggamiso, bal e wajigabax iyo in la isku sii xumaado ayaa ka dhalata.

4. Ka Fogow Meelaha Kugu Abuuri Kara Caro:

Meelaha iyo dadka kugu abuuri kara xaalad degganaan la'aan ah iyo caro, isku day inaad ka fogaato inta karaankaaga ah. Waan dareemi karaa adkaanta arrinkaa, balse xitaa qofka kugula nool hal guri, waad iska takoori kartaa ilaa xad haddii uu sabab u yahay xanaaqaaga, si loogu noolaado jawi nabadgelyo ah.

5. Si Qoto Dheer U Neefso:

Halkii aad qaylo qaylo ku taagi lahayd, isku day in haddii caro meesha timaado aad hakato, dabeeto si qoto dheer u neefsato, labo daqiiqo meel fariiso, oo kaliya si degen neef u qaado, haddana si ka sii xasiloon neef u soo tuur! Iskuna dayn in maankaaga aad ka saarto dhammaan afkaarta. Dhaqankan ayaa ka saaraya gudahaaga sunta qaraar ee carada ka dhalatay.

6. Fikir Inta Aadan Falcelin:

Marka uu qof kuu gafo ama kaa xanaajiyo, inta aadan caayin oo gelin giraan caro iyo buuq ah, ama falcelin degdegga bixin, is weydii: Ma sii caraysnaan doontaa todobaadka soo socda? U malayn maayo. Habaal, arrimo badan ayaa haddii aan ka fakari lahayn xumaha ka dhalan kara falcelinta aan ka bixino, aan iska dhigi lahayn dad dhoohan. Dhoohanaanta ama mooganaanta ogaalka ah, waa kaarto ay isku meel mariyaan dadka caqliga leh.

7. Baddel Xaalka Aad Ku Sugan Tahay:

Marka aad xanaaqdo, haddii aad taagan tahay fariiso. Haddii aad fadhidana, isku day inaad jiifsato. Isbeddelkani wuxuu kaa caawin doonaa yareynta xaddiga xanaaqaaga, oo haddii xaalkaaga aad ku sii socon lahayd, waxaaba dhici kartay inuu khilaafku sii kordho oo noqdo wax aadan dhammaadkiisa mahadin. Dib u milicso doodihii aad taagnayn, waxaad arkaysaa inay ahaayeen kuwii aad ugu xanaaqa badanayd, bal e ay yihiin xilliyadii ay curteen khilaafyadii ugu darnaa ee aad la kulanto.

Waxaa laga weriyay Abbii Dar, inuu yiri: Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: "Marka qof idinka mid ah uu xanaaqo isagoo taagan, ha fariisto, haddii caradu aysan ka tegin, ha jiifsado.”

8. Ilaahay Shaydaanka Ka Magan Gal, Dabadeed Tiri Ilaa 10:

Marka aad xanaaqa dhadhankiisa dareento, shaydaan ayaa sababeeyaha koowaad ahe, Alle ka magan gal, dabadeed bilow tiro ilaa 10 ku eg. Dhaqankan ayaa qaboojin doona foolkaanaha iyo karkarka xanaaqa ku soo haya, hakinta dareenka inta aadan xanaaq burqan, waxay kaa yareyn kartaa heerka falcelinta.

Magaca Buugga:

— Carabi: غدا أجمل

— Soomaali: Berri Bilicsan

Qoraaga: Cabdalla Al-Maqluuth

Turjume: Yoonis Baarri

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...