War Degdeg Ah: Siyaasi Cismaan Cumar Dool Oo Lagu Xidhay Hargaysa.

Thursday June 20, 2024 - 16:58:22
Hadhwanaag
"Waxa isagu xadhiga siyaasigan soo dhaweeyay gudoomiye Faysal Cali Waraabe …"


Hargaysa (HWN) Siyaasi Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan saraakiisha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta lagu xidhay Magaalada Hargaysa.

 

Cismaan oo katagay qurbaha gaar ahaana Filand ayay ciidamada Booliska Somaliland ka qabteen garoonka diyaaradaha Hargaysa.

 

Waxaana garoonka ka dhacay mudaharaad kooban oo lagaga soo horjeedo xadhiga siyaasi Cismaan Cumar Dool.

 

Weli xukuumada Somaliland war kamay soo saarin xadhiga Siyaasi Cismaan Cumar Dool.

 

Waxa isagu xadhiga siyaasigan soo dhaweeyay gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo sheegay in xadhigani ay dan ugu jirto Cismaan, maadaama ayuu yidhi uu siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye iyo UCID uu aflagaadayn jiray.

 

Cismaan Cumar dool ayaa ah siyaasi inta badan dhaliila xukuumada Muuse Biixi iyo habdhaqankeeda, waxaanu qoraalo uu ku dhaliilayo uu ku qori jiray baraha Bulshada.

 

 

     
Loading...