Ma Og-TaHay Degmada'yadu (Abdi-Shotaly).

Sunday April 21, 2024 - 15:53:18
hadhwanaagtv
*N.B Ruux Dantood Wadda Nacas Bay Ku dirayaan, fariid dayroom Weeyaan.

(1) Ma og-tahay Degmadayadu, Doqon baa ka Taliyoo, duufle wuxu yidhaabaa, dadka lagu dhaqaayoo, abidkii ma daahiro.

(2) Ma og-tahay degmadayadu, iyadaa is dumisoo, ruuxii dantood wadda, nacas lagu diraayoo, fariid dayro weeyaan.

(3) Ma og-tahay degmadayada,dilaal baa ka taliyoo, bakhti baa damiin u ah ( waa bakhti-dhego-weyne) Askartu ay dirtaanoo, dugaag bay u fasxeen
(4) Ma og-tahay Degmadayadu,

Duleed joogta maqashiyo,ka hagrada Ma durugtada ( waa adigee),
ayey geela u diraysaa.
(5) Ma og-tahay Degmadayadu,
ruuxii la duugaa ,

marka laga dareeruu,
dib u soo dhashaayoo ,
durba loo mashxaradaa.
(6) Ma og-tahay Degmadayada,
Dibida iyo weylaha waxa dhala Dameeraha.

(7) Ma og-tahay degmadayadu, inay dacaska cunaysoo, damiirkii hunguri yahay, dareenkii ka lumayoo,dumarkiyo caruurtii, loo dirayo jeelkoo, beel kale-ba lagu ridin, dulmi lagu dul nool yahay.

*N.B Ruux Dantood Wadda Nacas Bay Ku dirayaan, fariid dayroom Weeyaan.

By Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...